Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UK oo Soo Qaadeysa Qaxootiga Syria


Ra'iisul Wasaaraha Britain David Cameron
Ra'iisul Wasaaraha Britain David Cameron

Ra’iisul Wasaare David Cameron ayaa hadalkaasi sheegay maanta oo jimca ah, isagoo badalay mawqifkiisii hore kadib markii dareen xoogan uu ka dhashay sawirka wiil yar oo Syrian ah oo maydkiisa laga helay xeeb ku taala dalka Turkiga.

Dawladda Britain waxa ay aqbali doontaa kumanaan ka tirsan qaxootiga ka imanaya dalka Syria, Ra’iisul Wasaare David Cameron ayaa hadalkaasi sheegay maanta oo jimca ah, isagoo badalay mawqifkiisii hore kadib markii dareen xoogan uu ka dhashay sawirka wiil yar oo Syrian ah oo maydkiisa laga helay xeeb ku taala dalka Turkiga.

David Cameron ayaa dhaleecayn xoog badan la kulmay iyadoo la loo arkayay in Britain aysan muujinin dareenka lagula wadaagayo qaxootiga dhibaatadu haysato.

Cameron ayaa wariyayaasha kula hadlay magaalada Lisbon ,halkaas oo uu kulan kula qaadanayay dhiggiisa dalka burtiqiiska.

“Waxaa uu yiri waxaan ogolahay baaxadda dhibaatada iyo dadka dhibaatoonaya, maanta waxaan caddeynayaa in aan wax badan qaban doonno si aan magan-galyo u siino kumanaan kale oo kamid ah qaxootiga siiriyaanka” ayuu yiri.

Cameron waxaa uu sheegay, in dawladdu ay kala xaajoon doonto hay’adaha gurmadka sida ugu haboon , isla markaana ay macluumaad faah-faahsan soo gudbin doono todobaadka danbe.

Arrintan uu ku dhawaaqay Ra’iisul wasaaraha Britain waxaa ay muujisay in isbadal uu ku yimid aragtida iyo qorshaha uu horay u aaminsanaa david Cameron , kadib markii erayadii kasoo yeeray maalmihii talaadadii iyo khamiistii si weyn looga horyimid iyadoo loo arkay in uusan bixin jawaabtii ku haboonayd dhibaatada taagan, gaar ahaan markii uu soo shaac-baxay sawirka wiilka yar ee siiriyaanka ah.

XS
SM
MD
LG