Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uganda oo soo Bandhigtay Liiska 72 Qof


Uganda oo soo Bandhigtay Liiska 72 Qof
Uganda oo soo Bandhigtay Liiska 72 Qof

72ka ruux ayaa la filayaa in ilaa 20 ka mid ahi ay Soomaali noqdaan. Labo Soomaali ah ayaa iyagana laga soo qabtay xuduudda Rwanda

Dawladda Uganda ayaa xalay soo saartay liis ay ku qoran yihiin 72 ruux oo la sheegay inay ku lug lahaayeen qaraxyadii ka dhacay magaalada Kampala bishii ina dhaaftay ee July 11keedii. Liiskan xalay ay dawladda Uganda soo saartay ayaa waxa la sheegayaa in dadka ku quran ilaa 20 ka mid ahi ay Soomaali yihiin.

Warar cusub ayaa iyaguna sheegaya in labo nin oo Soomaali ah laga soo qabtay xuduudda ay Uganda la leedahay waddanka Rwanda. Lama garanayo in nimanka lasoo qabtay ay xiriir la leeyihiin qaraxyadii dhacay bishii hore iyo in kale.

Dhinaca kale, sida ay sheegaan hogaanka Jaaliyadda Soomaalida ee Kampala, ilaa 40 ruux oo Soomaali oo muddo bil ah ku xirnaa xabsiyada Uganda, kuwaas oo la qabqabtay qaraxyadii ka dib, ayaa la filayaa in maanta lasoo daayo.

XS
SM
MD
LG