Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uganda oo ka jawaabtay hanjabaadda Al-Shabaab


Uganda oo ka jawaabtay hanjabaadda Al-Shabaab
Uganda oo ka jawaabtay hanjabaadda Al-Shabaab

Felix Kulayigye, Afhayeenka ciidamada difaaca Uganda ayaa hanjabaadii ka soo baxday Shabab ku tilmaamay cadho ka dhalatay guuldarrada ay la kulmeen.

Afhayeenka Ciidamada Difaaca ee Uganda Colonel Felix Kulayigye ayaa hanjabaaddii ka soo baxday Shabab ku tilmaamay cadho ka dhalatay guuldarrada ay dagaallada kala kulmeen.

Afhayeenku wuxuu yidhi “Namay soo weerarin marka hore, sababta oo ah annaga ayay na eegayeen , annaguna aad baanu u feejignayn, waanan ognahay in hanjabaaddu ay ka timid cadho ka dhalatay kadib markii ay ku guuldareysteen inay dowladda ridaan “ Afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM taageerada ay siiyaan dowladda ay keentay in wali dowladdu baaqi ku ahaato Somalia, halka kooxaha mucaaradkuna yihiin kuwo looga gacan sareeyo dagaallada Muqdisho.

Hoggaamiyaha kooxda Alshabab, Axmed Cabdi Godane ayaa u hanjabay waddamada Uganda iyo Burundi oo uu ku eedeeyey ciidamada nabad ilaaliyaasha ee Muqdisho ka joogay inay galeen waxa uu ku sheegay xasuuq ay u gaysteen dadka deggan Muqdisho.

Laakiin Afhayeenka ciidamadaUganda wuu beeniyay eeddaasi loo jeediyey ,isaga oo sheegay in nabad ilaaliyaashu ay ku guulaysten inay hor istaageen dadaalkii ay kooxaha mucaaradku ku doonayeen inay ku qabsadaan Xarunta Somalkia ee Muqdisho.

XS
SM
MD
LG