Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uganda oo Ciidan Cusub u Diraysa Somalia


Dawladda Uganda ayaa 10 kun oo askari u diraysa Somalia, iyada oo maanta Kampala lagu aasi doono askar uga dhimatay Muqdisho.

Meydadka Afar askari oo ka tirsanaa ciidamada dalka Uganda ee AMISOM oo shalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho markii uu madfac hoobiye ah kula dhacay xarunta Madaxtooyada ayaa maanta laga dejinayaa Magaalada Kampala, halkaasi oo lagu aasi doono sida uu xalay saxaafadda u sheegay afhayeenka ciidamada dalka Uganda Lt. Col. Felix Kulayigye,

Geerida askartaasi ayaa k a dhigaysa tirada ciidamada Uganda uga geeriyooday howlgalka AMISOM illaa 30 askari, tan iyo markii xoogaga nabad-illaalinta midowga Afrika tageen Muqdisho horaanta sanadkii 2007-dii.

Ehelada ay ka geeriyoodaan askarta ku geeriyoota howlgalka AMISOM ayaa mag-dhow ahaan loo siiyaa lacag dhan 50.000$ askari kasta oo ka tirsan ciidamadaasi Nabad-illaalinta.

Dhinaca kalena, taliyaha guud ee ciidamada dalka Uganda Gen. Aronda Nyakairima ayaa sheegay iney diyaariyeen 10 kun oo ka tirsan ciidamadooda keydka ah oo gaaraya illaa 100 kun oo askari, wuxuuna taliyahaasi sheegay iney ciidankaasi u dirayeen iney u diraan dalka Soomaaliya . balse waxa uu sheegay iney dhowrayaan balan-qaad la xariira dirista ciidamadaasi oo ay ka sugayaan dowladda Mareykanka.

Ms. Joann Lockard oo ah sarkaalad xiriirka dadweynaha u qaabilsan safaaradda Mareykanku ay ku leeyihiin Magaalada Kampala ayaa saxaafadda u xaqiijisay iney ka war-heyso balanqaad taageero ah oo ay dowladda Mareykanku u sameysay AMISOM, balse aaney aaminsaneyn iney ku jiraan kuwo si gaar ah loo sameeyay.

XS
SM
MD
LG