Isku xirrada

War

Doorashooyin ka Bilaabmay Uganda


Doorashooyin ka Bilaabmay Uganda

Doorashooyin ka Bilaabmay Uganda

Uganda waxaa maanta ka bilaabmay codbixinta doorashooyinka madaxtinimada. Madaxweyne Muzeveni ayaa markii 4-aad doonaya in la soo doorto

Dadweynaha reer Uganda ayaa u dareeray goobaha codbixinta doorashooyinka madaxtinimada iyo baarlamaanka ee dalkaasi.

Dadka ayaa kala dooran doono 8 musharax oo uu ka mid yahay madaxweynaha haatan talada haya ee Yoweri Museveni oo xukunta dalkaasi hayay 25 sanadood.

Madaxweyne Muzeveni ayaa doonaya in mar afraad la soo doorto, waxaase jira musharixiin uu ka mid yahay hoggaamiyaha mucaaradka Kizza Besigye oo la saadaalinayo in doorashadan uu guullo ka keeni doono.

Kizza Besigye ayaa waxay doorashadan haatan u noqonasii tii saddexaad oo uu la tar-tamo madaxweyne Muzeveni, wuxuuna labadii doorasho ee hore ee 2001-dii iyo 2006-dii uu sheegay in madaxweynuhu uu ku shubtay.

Weriyaha VOA ee Kampala, Xasan Max'uud Fanax ayaa sheegay in qaar ka tirsan dadka Soomaali ah ee haysta kaarka doorasahada ay ka qeybgalayaan codbixinta doorashada Uganda.

XS
SM
MD
LG