Isku xirrada

Ugaas Xasan oo la Caleemo Saaray


Ugaas Xasan

Ugaas Xasan

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaa maanta lagu caleemo saaray Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Caleemo saarka Ugaaska ayaa waxaa ka soo qeybgalay hoggaamiyayaal dhaqan iyo madax kale duwan oo ka kala yimid dhulka Soomaalida ee geeska Africa.

Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa xildhibaanno iyo wasiiro ka socday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale madaxda qaar ka mid ah hay’adaha bulshada.

Warbixintan waxaa soo diray weriyaha VOA ee Beledweyne Xuseen Xasan Dhaqane.

XS
SM
MD
LG