Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UDUB: Doorashadii Waa Lagu Shubtay


UDUB: Doorashadii Waa Lagu Shubtay
UDUB: Doorashadii Waa Lagu Shubtay

Shir jaraa’id oo ay maanta qabteen xubno ka tirsan Xisbiga UDUB ayaa lagu sheegay in doorashadii Somaliland lagu shubtay

Shir jaraa’id oo ay maanta qabteen xubno ka tirsan Xisbiga UDUB ayaa lagu sheegay in lagu shubtay doorashadii maalintii Sabtidii ee 26-ka bisha June ka dhacday Somaliland.

Xubnahan oo ay hogaaminayeen Xoghayaha Guud ee Xisbiga Jaamac Yaasiin iyo Guddoomiyaha Ololaha, Cismaan Cabdillaahi Ducaale ayaa shirkooda jaraa’id ku sheegay in degmooyin ka tirsan gobollada Hargeysa, Togdheer, Sanaag, iyo Sool ay ku shubasho ka dhacday isla markaana ay dacwad u gudbiyeen Guddiga Doorashada Qaranka iyagoo ka digay in Guddiga Doorashadu wax natiijo ah oo horudhac ah aanu soo saarin taasoo keeni karta cawaaqib xumo, nabadda oo khal-khal gasha, iyo muran siyaasadeed oo dalka ku yimaadda.

Hadalkan kasoo baxay Xisbiga UDUB ayaan Guddiga Doorashada iyo Labada xisbi ee kale uuna midkoodna ka hadlin. Waxaa xusid mudan in kormeerayaasha caalamiga ahi ay sheegeen in doorashadu guud ahaan ay waafaqsaneyd heerka caalamagi ah ee doorashada xaq ah, xorna ah. Waxa kaloo iyana xusid mudan in xilligii doorashada ay tartamayaasha saddexda xisbi sheegeen inay aqbali doonaan natiijada doorashada kasoo baxda.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso Weriyaha VOA Hargeysa Sahra Ciidle oo arrintaasi ka warramaysa.

XS
SM
MD
LG