Isku xirrada

Turkiga oo Weerar Kale ku Qaaday PKK


Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa weerar kale oo cirka ah xalay ku qaaday mintidiinta Kurdish-ka ee dagaalka kula jira.

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa weerar kale oo cirka ah xalay ku qaaday mintidiinta Kurdish-ka ee dagaalka kula jira.

Saraakiisha Turkiga waxa ay sheegeen in in ka badan 40 diyaaradaha dagaalka ah ay ka qeyb galeen duqeyntan socotay lixda saac ee ka dhacday waqooyiga Ciraq, laguna dilay tobaneeyo ka tirsan dagaalyahannada kooxda Kurdish-ka ee PKK.

Waxa uu ahaa habeenkii labaad oo weeraro ah tan iyo markii dagaalyahannada PKK ay miino ay ku aaseen waddada dhinaceeda ay ku dileen 16 ka tirsan askarta Turkiga.

Dhinac kale, weerar bom oo lagu qaaday baabuur ayaa 10 sarkaal oo Turkish ah ku dilay gobolka Igdir ee ku yaalla xadka Turkey-ga iyo Azerbaijan.

XS
SM
MD
LG