Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkiga oo Puntland iyo DF Dhexdhexaadinaya


Madaxweynaha Turkey oo xadhiga ka jaraya terminaalka cusub ee garoonka Muqdisho.
Madaxweynaha Turkey oo xadhiga ka jaraya terminaalka cusub ee garoonka Muqdisho.

Dawladda Turkiga ayaa la sheegay inay dhexdhaxaadinayso dawladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland.

Siyaasi sare oo ka socda dawladda Turkiga ayaa shalay tagay Soomaaliya, iyadoo wararka aanu ka helayno ilo xogogaal ah oo sare ay sheegayaan in siyaasigaasi uu dhexdhaxaadin ka galayo khilaafka u dhexeeya dawladda federaalka iyo maamul goboleedka Puntland eek u saabsan qaabka doorashada sannadkan.

Kani Torun waa safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya oo ay isku dhow yihiin madaxweynaha waddankaasi Recep Erdogan, xilligana waxa uu Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Arirmaha Dibedda ee Baarlamaanka Turkiga.

Shalay ayuu kasoo dagay Muqdishu isagoo uga gudbay Puntland oo xalay ku hoyday.

Wararka aani ka helany ilaha lagu kalsoon yahay ayaa sheegayaa in natiijada kulamada uu la yeesho madaxda Puntland ula tegi doono Hoggaamiyayaasha dawladda Federaalka.

Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay oo codsaday inaan magacooda la sheegin ayaa sheegaya in labada dhianc ay rajo ka qabaan in dadaalkan dawladda Turkiga uu miro dhalo.

Warbixino ku saabsan booqashada wafdigaas iyo faahfaahinta toogashadii shalay ka dhacday Muqdishu hoos ka dhagayso.

Somalia Turkey
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:10 0:00

XS
SM
MD
LG