Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkey: Ruushka Waa Nagu Soo Xadgudbay


Wasiirka arrimaha dibedda Britain Philip Hammond, ayaa sheegay in ku xadgudubka Ruushka ee hawada Turkiga ay sare usii qaadi doonto xaalad qatar ah oo markii horeba jirtay.

Turkiga ayaa maanta oo isniin ah sheegay in diyaarad dagaal oo Ruushku lee yahay ay kusoo xadgudubtay hawada dalkaas ee dhinaca ee xuduudda Suuriya, taasi oo sababtay in laba diyaarad oo F-16 ah oo Turkiga uu lee yahay ay diyaaraddaas ka kaxeeyaan xadka.

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga, ayaa lagu sheegay in dhacdadan ay dhacday sabtidii, islamarkaana Turkiga uu kaga digay Ruushka inay qaadi doonaan mas’uuliyadda cawaaqibka ka dhalan doonaa, hadidi mar kale ay diyaradahooda kusoo xadgudbaan hawada Ruushka.

Wakaaladda wararka Ruushka ee Interfax, ayaa kasoo xigatay safaaradda Ruushka ee Turkiga in arrintan ay dhacday, islamarkaana saraakiisha Turkiga sharraxaad laga siiyey sida ay wax u dhaceen.

Wasiirka arrimaha dibedda Britain Philip Hammond, ayaa sheegay in ku xadgudubka Ruushka ee hawada Turkiga ay sare usii qaadi doonto xaalad qatar ah oo markii horeba jirtay.

Dhinaca kale, diyaradaaha dagaalka Ruushka, ayaa weli wada duqeymaha ay ka geysanayaan gudaha dalka Suuriya. Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka, ayaa sheegtay in ciidamadooda ay gantaallo la dhaceen sagaal bartilmaameed oo kooxda Daacish ah, oo ay ku jiraan xarumaha gantaalada laga tuuro, isgaarsiinta iyo xero tababar, kuwaas oo ku kala yaalla magaalooyinka Hama, Homs, Latakia iyo Idlib.,

XS
SM
MD
LG