Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ash Carter: Weerarkii Xarunta MSF Ee Kundus Waa La Baari Doona


Weerarkasi oo si weyn caalamku u cambaareeyey ayaa la sheegay in lala beegsaday xarunta caafimaad oo ay gacanta ku hayso hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn ee MSF ee magaalada Kunduz ee dalka Afgaanistaan.

Ash Carter oo warbaahinta kula hadlay xilli uu marayay dalka Spain ayaa sheegay in xaaladda hadda ka jirta magaalada Kunduz ay tahay mid aad u wareer badan, balse ballan qaaday in la soo oggaan doono xaqiiqda wixii halkaasi ka dhacay islamarkaasna amray ku bixiyey in Mareykanku uu xaruntaasi gaarsiin doono deeqo daawo ah.

Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn ayaa Ash Carter ka dalbaday in falkii ka dhacay isbitaalka ay gacanta ku hayso ay baaritaan ku sameeyaan gole madax-bannaan, kaasoo ay ku dhinteen 12 ka tirsanaa shaqaalaha hay’addaasi iyo toban qof oo ahaa bukaankii isbitalkaasi lagu daaweynayey.

XS
SM
MD
LG