Isku xirrada

Trump oo Jimcaha ku Dhawaaqaya ku Xigeen


Kasoo billow bidix: Gingrich, Christie, Pence

Kasoo billow bidix: Gingrich, Christie, Pence

Musharax madaxtinimada Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, ayaa qorsheynaya inuu maalinta Jimcaha ku dhowaaqo qofka u noqon doona ku xigeen.

Waxaa la filaya inuu ku dhowaaqo saddex qof midkood kuwaas oo kala ah; barasaabka gobolka Indiana, Mike Pence, Barasaabka gobolka New Jersey, Chris Christie ama afhayeenkii hore ee aqalka congress-ka Mareykanka Newt Gingrich.

Chris oo ahaa musharax ayaa markii uu tartanka ka haray waxa uu durba ku dhowaaqay inuu taageerayo Donald Trump.

Kulanka guud ee xisbiga Jamhuuriga ayaa toddobaadka soo socda lagu qaban doonaa magaalada Cleveland ee gobolka Ohio.

Dhinaca kale, musharaxa xisbiga Dimoqraadiga Hillary Clinton ayaa wareysi la yeeelaneysa siyaasiyiin dhowr ah ayada oo isku dayeysa inay kala dhex baxdo qof u noqda ku xigeen.

XS
SM
MD
LG