Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Doortay Pence


Pence (Bidix), Trump (Midig)
Pence (Bidix), Trump (Midig)

Musharaxa madaxtinimada Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ku dhowaaqay in guddoomiyaha gobolka Indiana Mike Pence uu yahay qofka uu u doortay inuu noqdo ku xigeenkiisa.

Xulashadan oo si aad ah loo hadal hayey maalmihii tagay ayaa Trump waxa uu maanta ku shaaciyey bartiisa Twitter.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan Mike Pence u doortay inuu noqday qofka aan u doortay inuu madaxweyne ku xigeen ii noqdo” ayuu Trump ku sheegay barta Twitter.

Trump waxa uu shaaca ka qaaday in shir jaraa’id uu qaban doono maalinta sabtida, oo uu arrintan kaga hadli doono.

Pence waa guddoomiyaha gobolka bartamaha galbeed ee Mareykanka ku yaalla ee Indiana, waana nin aaminsan fikradaha midigta fog.

XS
SM
MD
LG