Isku xirrada

War Deg-Deg ah

France: 84 Ruux oo ku Dhimatay Weerar Baabuur Xamuul


Qof waday gaari nooca xamuulka qaada, ayaa dar darsiiyay dad isugu soo baxay meel munaasabad ka socotey magaalada Nice ee dalka Faransiiska gelinkii dambe eee Khamiista, waxana la sheegay inay halkaa ku dhinteen in ku dhow 84 ruux ayna ku dhaawacmeen tiro 100 kale ah.

Dadka ayaa u dabaal degayay maalinta Bastille Day, oo ah feesto guud oo dalka Faransiiska laga sameeyo July 14-keeda.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Faransiiska, ayaa sheegtay in wadihii gaariga ay booliisku toogteen oo ay dileen.

Wariyaha VOA-da Linda Ringe, oo goobta ku sugneyd, ayaa sheegtay inay aragtay meydadka dad fara badan oo waddooyinka daadsan.

Madaxweynaha Faransiiska, ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid argagixiso. Waxa uu sheegay in Faransiisku ay ahaan doonto mid xooggan.

Wariyaheena Falastin Ahmed Iman ayaa ka wareysatey Sayid CaliMohamed Calasow oo ku sugan dalka Fransiiska weerarkan iyo sida dalkaas looga dareemayo.

Dhageyso Nice oo 80 Ruux Lagu Dilay
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:00 0:00

XS
SM
MD
LG