Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Toogasho ka Dhacday Florida oo 2 Qof Lagu Dilay


Toogasho ka dhacday baar lagu caweeyo oo ku yaalla gobolka Koonfurta Bari ee Mareykanka ee Florida ayaa lagu dilay laba qof.

Saraakiisha ayaa sheegay in ugu yaraan 14 qof oo kale lagu dhaawacay toogashadan oo aroortii isniinta ka dhacday banaanka baarka Club Blu e magaalada Fort Myers.

Akhbaaraadka ku saabsan toogashada ayaa weli ah kuwo iska soo daba dhacaya.

Bishii tagtay ayaa toogasho ka dhacady baar kale oo ku yaalla magaalada Orlando ee gobolka Florida ayaa waxaa lagu dilay 49 qof, taasi oo dib u dhalisay dooda xakameynta hubka ee ka taagan Mareykanka.

Codbixin ra’yi ah oo dhowaan la qaaday ayaa muujineysaa in dadka Mareykanka badankood ay doonayaan in lasoo rogo sharciyo adag oo hubka lagu xakameenayo, hase yeeshee ay aaminsan yihiin in taasi aysan dhici doonin.

XS
SM
MD
LG