Isku xirrada

War Deg-Deg ah

10 Musharax oo soo Bandhigay Qorshahooda


10 musharrax oo mid ah 25-ka musharraxiin ee u taagan tartanka madaxtinnimada ee Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay barnaamijyadooda siyaasadeed.

Musharax walba ayaa baarlamaanka hortiisa ka hadlay muddo 20 daqiiqo, isagoo ku soo bandhigay waxqabadkoodii iyo waliba wuxuu mid walba uu sameyn doono haddii uu xilka ku guuleysto.

Musharrixiinta kal ee dhiman ayaa la filayaa in maalinta barri ah ay iyaguna soo gudbiyaan barnaamijkooda.

Dhinaca kale waxaa socda olole ay musharrixiintu ugu jiraan sidii ay xubnaha baarlamaanka uga dhex-heli lahaayeen codadkooda..
XS
SM
MD
LG