Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tirakoob lagu Ogaanayo Soomaalida Uganda ku Nool


Tirakoob lagu Ogaanayo Soomaalida Uganda ku Nool
Tirakoob lagu Ogaanayo Soomaalida Uganda ku Nool

Soomaalida Qaxootiga ku ah Uganda, ayaa si weyn u soo kordhayay sanadihii ugu dambeeyay ee ay dagaaladu ka socdeen dalka Soomaaliya.

Tirada illaa iyo haatan lagu diiwaangeliyay tirakoobkani ayaa kor u dhaafeysa illaa 500 qoys, islamarkaana dadka lagu siinayo aqoonsiyo gaar ah.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Xuseen Abuukar Xasan oo loo yaqaano Xuseen Garweyne ayaa uga waramay VOA-da sida uu tirakoobku u socdo, waxaana u sheegay in dadku ay xaruunta Jaaliyadda iskood u imanayaan si lacag la’aan ahna loo diiwaangalinayo.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool magaalada Kampala oo ay ku jiraan ganacsato hanti kala duwan ku leh dalka Uganda ayay VOA-du ogaatay iney isugu jiraan qaar aan waxba kala socon iyo kuwo si weyn uga soo horjeeda howsha lagu tirakoobayo dadka Soomaalida ah, iyagoo ku doodaya in aaney jirin Jaaliyad mideysan oo leh maamul leysku raacsan yahay iyo in aan Soomaalida lagu bilaabin is-diiwaangelin iyo tirakoob aaney horey u sameynin qowmiyadaha kale ee Uganda ku nool.

Dadka la dhacsan howsha tirakoobkani ayaa iyagu rumeysan inuu Soomaalida ka caawin doono sidii looga garan dembiilayaal u dhashay dalal kale oo adeegsanaya baasaboorka Soomaaliya,maadaama xafiiska laga diiwaan-gelinayo ee Jaaliyada uu siinayo aqoonsiyo gaar ah, sida uu qabo Maxamed-Weli Guure oo ka mid ah dadka dhowaan qaxootinimada ku tagay dalka Uganda.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Xuseen Garweyne, oo aynu weydiinay sida uu tirakoobkani ku hirgeli karo mar haddii ay qaadacsan yihiin qaar ka mid ah dadka Soomaalida ayaa sheegay in xafiiskoodu uu yahay mid ay aqoonsan tahay dowladda Uganda, isagoo xiligaasina soo bandhigayay qoraal ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha kula soo xariirtay xafiiskooda, wuxuuna dadka diidan tirakoobkani uu ku sheegay kuwo aan ogoleyn maslaxada dadka Soomaaliyeed.

Howsha tirakoobkani ayaa dhinaca kale ku soo beegantay iyadoo ay ciidamada amniga ee dalka Uganda wadaan howlgalo ay ku soo qab-qabteen dad Soomaali ah oo qaarkood la sheegay iney heystaan baasaboorada dalal laga xusay Australia iyo Mareykanka, iyadoo howlagaladaasina ay qeyb ka yihiin feejignaan dhanka ammaanka ah, taasoo ay ciidamada dalka Uganda bilaabeen tan iyo dabayaaqada sanadkii tegey, kadib markii sarkaal ka tirsan Al-shabaab uu sheegay iney weerar aar-goosi ah ku qaadi doonaan caasimadaha dalalka Burundi iyo Uganda, balse waxaa xusid mudan in feejignaanta ciidamada ee ka dhalatay hanjabaadaasi ka sokow ay sidoo kale cabsi gelisay nolosha Soomaalida ku nool Uganda.

Lama saadaalin karo xilliga la filan karo in la helo natiijada howsha tirakoobka ah ee haatan socota, balse waxa uu Xuseen Garweyne qabaa iney jirto qiyaas ku saabsan tirada Soomaalida ku nool dalka Uganda, marka la eego tirakoobyo ay horey u sameeyeen.

Ku dhowaad 6000 (Lix Kun) oo ka mid ah Soomaalida qaxootiga ku ah dalka Uganda ayaa la filayaa iney illaa dabayaaqada sanadkani ka ambabaxaan dalka Uganda kadib markii ay dowladda Mareykanku ku yaboohday iney qaabili doonto oo ay dalkeeda dib u dejin ugu sameyneyso, taasoo hoos u dhigi doonta tirada Soomaalida ee qaxootiga ku ah Uganda.

XS
SM
MD
LG