Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tirada Ciidamada AMISOM oo la Gaarsiiyay 8,000


Tirada Ciidamada AMISOM oo la Gaarsiiyay 8,000
Tirada Ciidamada AMISOM oo la Gaarsiiyay 8,000

Xoogagga Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ayaa ka caawiya dowladda KMG ah inay iska difaacdo kooxaha mucaaradka.

Burundi ayaa xiijisay inay askar kale oo dheeri ah oo gaaraya 850 u dirtay soomaaliya todbaadkii hore, kuwaasoo lagu xoojinayo xoogagga Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika

Geynta ciidamadan ka socda Midowga Afrika ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa tirada ciidanka hawlgalka Amisom ka dhigaya ilaa 8,000 oo askari.

Saraakiisha militariga dalka Burundi iyo kuwa hawlgalka midowga Afrika ee AMISOM ayaa xaqiijiyay geynta askartaasi.

Xoogagga Nabad ilaaliyeyaasha ayaa ka caawiya dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee ay Qaramada Midoobay taageerto inay iska difaacdo kooxaha ka soo horjeeda.

Uganda oo bixisa askarta ugu badan ee Midowga Afrika ayaa ku yaboohday inay gaarsiiso askarteeda ilaa 20,000 oo askari haddii qeybaha kale eay bixinayaan dhaqaalaha, adeegyada iyo tashiilaadkaba.

XS
SM
MD
LG