Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tilmaamaha Ra'iisal Wasaaraha Cusub ee DKM Somalia


Tilmaamaha Ra'iisal Wasaaraha Cusub ee DKM Somalia
Tilmaamaha Ra'iisal Wasaaraha Cusub ee DKM Somalia

Wasiirkii hore ee Arrrimaha Dibadda Somalia, Ismaaciil Hurre (Buubaa) ayaa ka hadlay tilmaamaha R/W cusub ee dhawaan la filayo

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somalia, Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa ka hadlay magacaabista ra’iisal wasaare cusub oo DFKMG Somalia ay yeelato. Ismaaciil Buubaa ayaa sheegay in Madaxweynaha DFKMG Somalia uu hadda ogyahay ra’iisal wasaaraha cusub ee uu soo magacaabayo. Dhinaca baarlamaanka ayuu iyagana sheegay in ra’iisal cusubi uu ahaado qof ka gadmaya baarlamaanka Somalia, isla markaasna leh aragti toosan, isagoo ka faa’iidaysanaya khaladaadkii ay ra’iisal wasaareyaashii hore ay kusoo dhici jireen.

Iyadoo dhawaanahan ay wararku sheegayeen in DFKMG ay guulo militari ka gaartay dagaalada ay kula jirto kooxaha mucaaradka ah, ayaa Ismaaciil Hurre Buubaa sheegay in guulahan ay dawladdu gaartay ay fursad wanaagsan u noqon karaan ra’iisal wasaaraha cusub ee la filayo in dhawaan la magacaabo.

Warka oo dhameystiran, hoosta ka dhageyso

XS
SM
MD
LG