Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UK: Arday ku biirtay Al-shabaab


Al-Shabab
Al-Shabab

Wargeyska the Times ayaa sheegay arday jaamacaddo ka dhigta UK inay ku biireen ururka Al-Shabaab ee Somalia

Wargeyska the Times wuxuu sheegay in ardaydan oo dhiganayay jaamacahadaha ugu caansan ee Uk sida, London School of Economics, King's College iyo Imprerial College ay da'doodu u dhaxayso 18-25 jir.

Ardaydan waxaa ku jirta gabar 24 jir ah oo culuunta daawada ka dhiganaysay jaamacada bariga London, waxayna dhamaantood UK ka tageen waqtiyo kala duwan.

Wargeyska The Times, wuxuu sheegay in mid ka mid ah ardaydaasi uu Muqdisho kala soo hadlay xaaskiisa, una sheegay inaanay dib isku arki doonin.

Warbixinta wargeyska The Times, waxaa si weyn u qaadacday Raxma Axmed oo dhigata jaamacada Kingston ahna madaxa ururka ardayda Soomaliyeed ee UK. Raxma waxay sheegtay in wargeyskani uu buun-buuniyo wararka Somalida oo waqti horena uu qoraallo aan run ahayn soo daabacay. Raxma Axmed waxay sheegtay in ardayda Soomaalida ee Jaamacaduhu aysan wax lug ah ku lahayn Al-shabaab, isla markaana ay si weyn uga soo horjeedaan ficillada is-qarxinta ee ururada Shabaabka la midka ah ay fuliyaan.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo ah Saxafi, sidoo kalena jaamacad ka dhigta UK, ayaa sheegay in ardayda Somalida ay wax la qabaan ardayda jaalliyadaha kale ee Muslimiinta oo ay dhici karto inay bartilmaameedsadaan kooxo dano gaar ah wata.

C/laahi Nuur Cismaan oo ka mid ah hogaamiyayaasha jaaliyada Somalida ee Galbeedka London ayaa sheegay in qoraalkan wargeyku haddii uu jiro iyo haddii kaleba uu saameyn doono Somalida UK, gaar ahaan dhinacyada Socdaalka oo xitaa gabdhaha ay soo waji doonto baarritaano dheeraad ah.

Warbixinta ka hadlaysa arrintaasi qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG