Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kala qeybsanaanta Jabhadda ONLF


Kala qeybsanaanta Jabhadda ONLF
Kala qeybsanaanta Jabhadda ONLF

Waxaa sii kordhaya kala qeybsanaanta ka dhexjirta ONLF. Garab sheegtay inay ka tirsan yihiin ONLF ayaa heshiis la galay dowladda Ethiopia.

Garabka ka mid ah ururka ONLF oo uu hoggaaminayo Salaaxudiin Xaaji Macow ayaa sheegtay inay iyagu yihiin ururka sharciga ah ee ONLF, waxayna sheegeen inay heshiis horudhac ah la galeen dowladda Ethiopia.

Salaaxudiin Macow oo VOA-da la hadlay ayaa sheegay inay saraakiil Ethiopian ah heshiis kula saxiixdeen dalka Germany. Salaaxudiin wuxuu sheegay in heshiiskan marka uu dhaqan-galo uu ciidankiisa ku amri doono inay iska xaadiriyaan xeryo militari oo ku yaala guddaha gobollada Soomaali galbeed Ethiopia.

Heshiiskan iyo sheegashada Salaaxudiin ayaa waxaa si weyn uga hadlay oo u naqdiyay Jabhadda ONLF garabka Admiral Maxamed Cumar Cismaan. Guddoomiye-ku-xigeenka garabkaasi, Caddaani Hirmooge ayaa VOA-da u sheegay in Salaaxudiin uusan ka tirsananayn jabhadda ONLF.

Dhinaca kale, C/weli Xuseen Gaas oo isna sheegtay inuu madax ka yahay garab kale oo ka tirsan ONLF ayaa VOA-da mar uu la hadlayay sheegay inuu yahay garab sadexaad oo ka tirsan ONLF, wuxuuna labada garab ee kale ku eedeeyay kuwo aan matalin jabhadda ONLF.

Faarax Cabdisamad oo wax ka qora arrimaha gobollka Soomalida Ethiopia ayaa sheegay in kala googa'a ku yimid ONLF ay faaiddo ugu jirto dowladda Ethiopia.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso warbixin ka hadlaysa kala qeybsanaanta ONLF.

XS
SM
MD
LG