Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DKMG iyo Ahlu-Sunna oo heshiis qalinka ku duugay.


DKMG iyo Ahlu-Sunna oo heshiis qalinka ku duugay.
DKMG iyo Ahlu-Sunna oo heshiis qalinka ku duugay.

Dowladda KMG iyo ururka Ahlu-Sunna ayaa Addis Ababa ku kala saxiixday heshiis ay ku midoobayaan.

Xafladda heshiiskaasi lagu saxiixayay ayaa waxaa ka qeyb galay wafuud caalami ah oo ka kala socda, UN-ka, IGAD, Midowga Yurub midowga Africa.

Wasiirka Maaliyadda Sharif Xassan oo dowladda u saxiixay heshiiskaasi ayaa VOA u shaagay heshiikaasi uu Somalia dhibaatada ka saari doono, isla markaana ay si wadajir ah iyaga iyo ahlu-sunna uga soo wada horjeesan doonaan ururka Al-Shabaab. Shariif Xasan wuxuu sheegay in lagu heshiisyay in awood la qeybsado oo Ahlu-Sunna xubno ka tirsan waxay wasiirro ka heli doonaan dowladda KMG.

Wasiirka Maaliyadu wuxuu beeniyay inay jiraan kooxo kale oo ka tirsan Ahlu Sunna oo diidan heshiiskan. Shariif Xasan wuxuu sheegay in dowladda Ethiopia ay heshiiskan qeyb weyn ka qaadatay.

Dhinaca kalena, Afhayeenka Ahlu-Sunna ee Qaarada Yurub Maxamed Xuseen Awliyo, ayaa sheegay in heshiiskaasi ay dhinacooda u saxiixeen Maxamed Xeefow oo ah gudoomiyaha guddiga fulinta, wuxuuna sheegay in ay dowladda kula heshiiyeen sidii ay ciidamadoodu ugu biiran lahaayeen dowladda iskana kaashan lahaayeen dagaal ka dhan ah kooxda Ahlu-Sunna.

Awliyo, wuxuu sheegay in intii aan heshiiskan la saxiixin uu ururkoodu soo kala dhexgalay khilaaf sababay in isaga laf ahaantiis la xiro, balse markii danbe arrintaasi ay ka heshiiyeen.

Maxamed Awliyo, wuxuu hoosta ka xariiqay in magaca Ahlu-Sunna uu sii jiri doono xitaa marka ay dowladda ku biiraan.

C/wahaab Sheekh Abdisamad oo xallinta khilaafaadyada ku takhasusay, macallina ka ah jaamacada Nairobi ayaa sheegay in heshiiskan Addis Ababa aanu waxba soo kordhin doonin, wuxuuna sheegay in Somalia aysan u baahnayn xukuumad la balaariyo balse ay u baahan tahay in nabadda xagga hoose laga soo dhiso.

Qeybta sare ee qoraalkan ka dhagayso. Wareysiyadda la xiriirra heshiiska Addis Ababab.

XS
SM
MD
LG