Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taxanihii Dhalinyarada Maanta iyo Qaybtii u Dambaysay


Idiris Yuusuf, Xogahaya warfaafinta Jabuuti
Idiris Yuusuf, Xogahaya warfaafinta Jabuuti

Qaybtii u dambaysay taxanihii Barnaamijka Dhalinyarada Maanta iyo Dagaalada.

Qaybta u dambaysa ee Barnaamijka Dhalinyarada iyo Dagaalada Soomaaliya oo ah Taxane soo socday 25 Todobaad, ayaa waxaa marti u ah Idiris Sh Yuusuf Cilmi.

Mr Idiris waa Xoghaya guud ee Wasaaradda Warfaafinta ee Djibouti.

Ka Sokow xilka uu hayo, Idiris waa Qoraa iyo suugaanyahan wax ku qora luqadaha Soomaaliga , iyo Faransiiska oo uu bilado ku qaatay.

Waxaana uu soo ahaa madaxa xaruunta cilmibaadhista ee Djibouti, sidoo kale waxaa uu wax ka dhigaa Jaamacadda Jabuuti.

Qaybtan u dambaysa ee Taxanaha dhalinyarada ayaa waxaa uu kaga jawaabayaa su’aalaha dhalinyaro Soomaaliyeed oo kala jooga meelo kala duwan oo hore uga qayb galay taxanaha Dhalinyarada maanta , waxaana uu la wadaagayaa khibradiisa iyo dadaalka uu u galay waxbarashada.

XS
SM
MD
LG