Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amuuraha Islaamka: Mareykanka & Tariq Ramadan


A boat navigates past the Sydney Harbor Bridge, Australia, which is covered in thick fog. Flights and ferry services were suspended and delayed after a blanket of fog covered the city for the second time in as many days, local media reported.
A boat navigates past the Sydney Harbor Bridge, Australia, which is covered in thick fog. Flights and ferry services were suspended and delayed after a blanket of fog covered the city for the second time in as many days, local media reported.

Dowladda Mareykanka ayaa xaryiraadda xagga dal-ku-galka (VISA) ah ka qaadday Dr. Tariq Ramadan, oo ah fikir-curiye Islaami ah, oo uu awoowe u yahay Sh. Xasan Al-Banna, wadaadkii aasaasay Akhwanul-Muslimiin.

Barnaamijka Amuuraha Islaamka, waxaan toddobaadkan ku eegeynaa qaraar uu Mareykanku toddobaadkan ku gaaray inuu xayiraad xagga dal-ku-galka ah (VISA) ka qaado Dr. Tariq Ramadan, oo lagu tiriyo inuu ka tirsan yahay fikir-curiyayaasha ugu waaweyn guud ahaan caalamka, gaar ahaan caalamka Islaamka.

P. J. Crowley, oo ah kaaliyaha xoghaya Arrimaha dibadda ee Mareykanka u qaabilsan xiriirka dadweynaha, ayaa ku dhawaaqay go’aanka uu Mareykanku ku gaaray inuu xayiraadda ka qaado Dr. Tariq Ramadan oo hadda macallin ka ah jaamacadda weyn ee Oxford ee dalka Britain, iyo Dr. Adam Xabiib, oo bare ka ah Jaamcadda Johannesburg ee Koonfur Africa. Labadan aqoonyahan ayaa ugu cadcaddaa aqoonyahanno Muslimiin ah, oo si weyn u cambaareeya siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka, gaar ahaan dagaalkii Ciraaq.

P. J. Crowly, ayaa go’aanka Mareykanka ku macneeyey sidan:
“Aragtida xoghaya arrimaha dibadda, go’aankani wuxuu qeyb ka yahay dadaalka uu madaxweyne Obama doonayo inuu kula xiriiro Muslimiinta caalamka. Waxaan dooneynaa inaan dhiirri galinno dood-cilmiyeed caalami ah. Waxaa jirta fursad ay aqoonyahanno Muslimiin ah ku iman karaan Mareykanka, oo ay dood-cilmiyeed qoto-dheer kula yeelan karaa diimaha kale, iyo shacabka dalkeenna.”

Waa kuma Dr. Ramadan?

Dr. Tariq Ramadan, waa 47-jir u dhashay dalka Switzerland, laakiin wuxuu asalkiisu kasoo jeeda Masar. Waxaa awoowe u ah Sh. Xasan Al-Banna, wadaadkii aasaasay dhaqdhaqaaqa iyo afkaarta baahday ee ururka Akhwaanul-Muslimiinka caalamiga ah.

Sanadkii 2004-ta ayaa waxaa macallinnimo u qaatay Jaamcadda Notre Dame oo kamid ah kuwa ugu caansan dalkan Mareykanka. Markii uu guri ka kireystay jaamcadda agteeda , alaabtii gurigana uu dhigtay, ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka u sheegtay in lagala noqday Visa-dii uu dalka kusoo galay, waxaana loo cuskaday waxa lagu sheegay afkaar mayal-adag oo uu faafiyey.

Dabayaaqadii sanadkaas, wuxuu iska casilay macallinnimada jaamcaddaas, kaddib markii ay waxba kasoo naasa-caddaan waayeen racfaan ay jaamacaddu ka qaadatay qaraarka Mareykanka. Laakiin go’aanka dowladda wuxuu u cuntami waayay hey’ad u doodda xuquuqda shakhsiga ah ee dadka, oo la yiraahdo ACLU. Dacwad dheer kaddib, sanadkii 2006-da ayaa si rasmi ah loogu sheegay in lagu heysto $940 oo uu waa hore ku sadaqeystay laba urur oo gargaar bani’aadannimo gaarsiiya Falastiiniyiinta, balse ku jira liiska hey’adaha u deeq-uruuriya argagixisada ee Mareykanka.
C/llahi Cabdi Max’ed (Mowliid), waa aqoonyahan ka faallooda arrimaha Islaamka, fadhigiisuna yahay magaalada London. Wuxuu leeyahay arrintan waa mid soo dhaweyn mudan.

Fikradaha Ramadan

Maamulka Obama, oo dadaal weyn ugu jira sidii uu sumcadda Mareykanka uga dabiibi lahaa dhaawacyadii uu u geystay maamulkii Bush, ayaa sida muuqata garowsaday in xayiraadda la saaray Dr. Tariq Ramadan ay aheyd mid lagu tarax-tagay. C/llahi Cabdi Max’ed wuxuu qabaa in tallaabadani ay dhab ahaan jawi soo dhaweyn ka dhex abuuri karto Muslimiinta iyo Mareykanka.

Inkastoo ay maamulkii hore ee Madaxweyne Bush isku taxallujiyeen inay Dr. Tariq Ramadan ku sifeeyaan wadaad mayal-adeyg, haddana dadka yaqaanna waxay qabaan inuu hormuud ka yahay olole ay aqoonyahanno Muslimiin ah ku doonayaan in la’is waafajiyo Diinta Islaamka iyo duruufaha casriga ah. Tusaale ahaa, Dr. Ramadan, oo xitaa la taliye usoo noqday ra’iisul wasaarihii hore ee Britain Tony Blair, ayaa si weyn uu diiddan mabda’a ay qabaan qaar kamid ah Muslimiinta, kaas oo caalamka u kala dhambala: “Daarul-Xarb” ama hoygii dagaalka, iyo “Darul-Islam” ama hoyga Islaamka. Dr. Ramadan wuxuu ku doodaa in Muslimiinta ku dhaqan Galbeedka aysan hoy dagaal u arki karin dal ay dhalashadiisa heystaan, wuxuuna qabaa in kala soocaas uu xilligiisii dhammaday.

Doodaha Ramadan

Tariq Ramadan, oo majaladda Time Magazine ay ku dartay 100-ka qof ee ugu saameynta badan dunida, ayaa hore ula dooday Ayan Xirsi Cali, gabadha Somali-Hollandase-ka ah ee Diinta Islaamka ku sheegtay mid dumarka liidda. Caroline Fourest, oo ah suxufi u dhashay France, isla markaana daraaseeyey 15-buug ee uu qoray Dr. Ramadan, ay ku sifeeysay inuu yahay hoggaamiye dagaal oo sii hurinaya dabkii uu shida awoowihiis, Imam Xasan Al-Banna, waa sida ay tiriye.
Laakiin doodda ugu caansan ee uu Dr. Ramadan galo waxay aheyd mid uu sanadkii 2003-da la galay Nicolas Sarkozy, madaxweynaha Faransiiska, oo xilligaas musharrax ahaa.

Mar la weydiiyey sida uu u arko xuduudaha Islaamka, sida gacan-goynta iyo dhaga-ku-dilidda, Dr. Ramdan wuxuu ku dooday in loo baahan yahay in la hakiyo xilligan, sida uu Cumar Ibn Khattab u hakiyey xuduudahaas, mar ay abaar ba’ani ragaadisay khilaafadii Islaamka. Dr. Ramadan wuxuu ku dooday in jaahilnimo, iyo fasahaad ballaaran ay haatan jiraan, oo wacyi-galin baahsan loo baahan yahay, kahor inta aan dadka la adimo goyn.

Niclas Sarkozy, oo lagu yaqaanno aragtiisa muran-dhaliska ah ee Islaamka ku beegan, ayaa si caro leh uga jawaabay, wuxuuna sheegay inay tahay in xuduudda noocaas ah gabi ahaan-ba laga gudbo.

Cabdullahi Cabdi Max’ed wuxuu leeyahay Tariq Ramadan wuxuu dhibbane u yahay dadaalka uu sida awoogiis ugu jiro in dib u cusbooneysiin lagu sameeyo fahamka Diinta Islaamka.

XS
SM
MD
LG