Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Talooyinka Kooxda Qaramada Midoobay

kooxda la socodka cunaqabateynta Somalia iyo Eriteria ayaa warbixintii dhawaan ay ka soo saartay Somalia waxa ay gunaanad uga dhigtay taloooyin ay soo jeedisay oo ku saabsan arimaha Somalia.
Waxyaabihii ay talo ahaan u soo jeedisay kooxda waxaa ka mid ah in wax laga qabto qatar la sheegay iney soo wajaheyso amaanka iyo degenaanshaha somalia iyo gobolka oo dhan.
Kooxdu waxa ay soo jeedisay, si loo xakameeyo musuq maasuq faraha ka baxay oo ka dhex jira hay'adaha federaliga ah ee dowladda Somalia, in si dhaqsiyo ah loo dhiso gudiga la qorsheeyay ee wada jirka ah ee maareynta maaliyadda ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yirahdo (JFMB) isla markaana dhismaha hay'adaasi laga dhigaa shuruud aan la dhaafi karin oo lagu xiro gargaarka ama kaalmo kasta oo beesha caalamka ay mustaqbalka siineyso Somalia.
Waxaa sidoo kale kooxdu ay ku talisay in gudoonka gudiga Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu warqad u qoro oo uu ka dhaadhiciyo Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, iyagoo raacaya qaraaradii qaramada midoobay ee tirsigoodu ahaa 751 ee soo baxay 1992kii iyo qaraarkii tirsigiisu ahaa 1907 ee isna soo baxay 2009kii ee ku saabsanaa Somalia iyo Eriteria.
Sidoo kale waa in la xusuusiyaa dalalkaasi qaraarkii isna tirsigiisu ahaa 2036 ee soo baxay 2012ka.ee ku saabsanaa in laga hortago dhoofka dhuxusha Somalia.
Sidoo kale gudigu waa inuu sii wadaa, iyadoo aan dib loo dhigeyn in talaabo lala beegsado kooxaha ilaa iyo hadda la ogyahay ee xiriirka la leh kooxda Alshabab, sida MYC, Al Hijra iyo AMYC .
Kooxdu waxaa kaloo ay soo jeedisay talooyin la xiriira burcad badeednimada oo ay sheegtay in iyadoo aan dib loo dhigeyn lala beegsado burcad badeedda iyo shaqsiyaadka lala xiriiriyo ee ay carabaabeen kooxda la socodka cuna qabateynada Somalia iyo eriteria talaabooyin wax looga qabanayo.
isla markaana golaha amaanka uu ka fekeraa suurtagalnimada in la sameeyo koox qubaro ah oo qaas ah oo baaris ku soo sameysa ururinta, wararka, daliilaha iyo marqaatiga la xiriira falalka burcad badeednimada. oo markaasi la magac dhabo hogaamiyeyaasha burcad badeedda, kuwa maalgeliya, kuwa wada xaajoodyada u qaabilsan, kuwa howlahooda u fududeeya, shabakadaha taageera iyo kuwa sida qarsoon uga faa'ida falalka burcad badeednimada, Isla markaana qaraarada Qaramada Midoobay ay Mustaqbalka ka soo saareyso Burcad badeedda Somalia ay tixraac uga dhigataa warbixinta kooxda Kormeerka arimaha Somalia iyo Eriteria, oo laamaha amaanka dowliga ah ee somalia, kuwa gobolka iyo beesha caalamkaba ay isweydaarsadaan xogta la xiriira hogaamiyeyaasha burcad badeeda, la cara baabaa ka dib la horgeeyaa cadaaladda. dhinaca kalena isha lagu ahayaa dhaq dhaqaaqyada shirkadaha amaanka dhinaca badda ee gaarka ah ee maraakiita difaaca ee wata hobka ee maraya biyaha Somalia, si loo adkeeyo cuna qabateynta hubka ee saaran somalia.
Waxaa kaloo ay kooxdu ku talisay in si deg deg ah talaabo looga qaado shirkadaha Sterling Corporate
Services, oo la tuhunsanyahay iney tahay Shirkadda Saricen ee heshiiyada kula jirta Maamulka Puntland oo magaca bedelatay, shirikadda Australian African Global Investments, iyo shirkadaha xiriirka la leh, kuwa ka macaasha, kuwa iska leh iyo maamulayaasha sar sare ee shirkadahaasi.
waxaa kooxdu tiri dowladda koonfur Afric, Imaaraadka Carabta, uganda iyo Ethiopia waa iney iyaguna qaadaan talaabo kasta oo laga maarmaan ah oo looga hortago in dekedahooda iyo garoomadooda diyaaradaha loo adeegsado, howlaha lala xiriiriyo milatariga ee Somalia ee xad gudubka ku ah cuna qabateynta hubka ee saaran somalia. hadii xitaa ay noqon laheyd taageero farsamo oo ay ka geystaan, tababaro iyo mid maaliyadeedba. isla markaaba dhaq dhaqaaq kasta oo milatary oo la xiriira, sida geynta qalab Somalia, iyo ciidamo loogu tala galay iney qeyb ka noqdaan howgalka lagu xusay farqada 9aad ee qaraarka qaramada midoobay ee tirsigiigu ahaa 1772, in lagu wargeliyo ka hor inta aan talaabo ceynkaasi la qaadin qaramada midoobay, si cadna loogu gudbiyaa sababo la xiriira wargelin ku saabsan howlgalka.
waxey kooxdu tiri in Golaha amaanka uu kordhiyo mudda sharciyadda howlgalka AMISOM isla markaana lagu daro howlgalka koox la socota cuna qabateyn hubka ee saaran somalia, gaa ahaan ka howlgasha garoomada dekedaha xuduudaha gudaha Somalia.
kooxdu waxaa kaloo ay soo jeedisay talooyin ku saabsanaa gargaarka, qiimeynta qatarta somalia iyo siyaabaha ay u wada shaqeyn karaan hay'adaha qaramada midoobay iyo shaqaalaha madaniga ah ee somalia.
waxaa kaloo kooxdu ay soo jeedisay in TFGdu ay xaqiijiso dhowrista xuquuqda aadanaha, ilaalinta rayidka, dumarka iyo gabdhaha.
iyadoo gaar ahaan sameyneysa la socodka iibka dareyska ciidmada booliska iyo kan milatariga.
Waa iney ka shaqeysaa amaanka dadka barakacayaasha ah oo ay xaqiijisaa in dadka la dhibaateeyo ama tacadi loo geysto ay soo gudbin karaan dhacdooyinka ay la kulmaan isla markaana la helaa nidaam wax looga qabanayo arimahaasi.
Ugu dambeyntiina ayaa koodu ay taladeeda ku tiri DKMG ah waa iney si dhaqsa ah u saxiixdaa oo ay u ansixisaa una hirgelisaa heshiiska caalamiga ah ee dhowrista xuquuqda caruurta iyo baratakoolka ka hor imaanaya u adeegsiga ciyaalka ee colaadaha iyo askareynta.
Sidoo kale talo taas la mid ah oo xuquuqda caruurta la xiriita ayaa loo soo jeediyay maamulada kale ee ka jira somalia.

kooxda la socodka cunaqabateynta Somalia iyo Eriteria ayaa warbixintii dhawaan ay ka soo saartay Somalia waxa ay gunaanad uga dhigtay taloooyin ay soo jeedisay oo ku saabsan arimaha Somalia.
Waxyaabihii ay talo ahaan u soo jeedisay kooxda waxaa ka mid ah in wax laga qabto qatar la sheegay iney soo wajaheyso amaanka iyo degenaanshaha somalia iyo gobolka oo dhan.
Kooxdu waxa ay soo jeedisay, si loo xakameeyo musuq maasuq faraha ka baxay oo ka dhex jira hay'adaha federaliga ah ee dowladda Somalia, in si dhaqsiyo ah loo dhiso gudiga la qorsheeyay ee wada jirka ah ee maareynta maaliyadda ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yirahdo (JFMB) isla markaana dhismaha hay'adaasi laga dhigaa shuruud aan la dhaafi karin oo lagu xiro gargaarka ama kaalmo kasta oo beesha caalamka ay mustaqbalka siineyso Somalia.

Waxaa sidoo kale kooxdu ay ku talisay in gudoonka gudiga Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu warqad u qoro oo uu ka dhaadhiciyo Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, iyagoo raacaya qaraaradii qaramada midoobay ee tirsigoodu ahaa 751 ee soo baxay 1992kii iyo qaraarkii tirsigiisu ahaa 1907 ee isna soo baxay 2009kii ee ku saabsanaa Somalia iyo Eriteria.Sidoo kale waa in la xusuusiyaa dalalkaasi qaraarkii isna tirsigiisu ahaa 2036 ee soo baxay 2012ka.ee ku saabsanaa in laga hortago dhoofka dhuxusha Somalia.
Sidoo kale gudigu waa inuu sii wadaa, iyadoo aan dib loo dhigeyn in talaabo lala beegsado kooxaha ilaa iyo hadda la ogyahay ee xiriirka la leh kooxda Alshabab, sida MYC, Al Hijra iyo AMYC .
Kooxdu waxaa kaloo ay soo jeedisay talooyin la xiriira burcad badeednimada oo ay sheegtay in iyadoo aan dib loo dhigeyn lala beegsado burcad badeedda iyo shaqsiyaadka lala xiriiriyo ee ay carabaabeen kooxda la socodka cuna qabateynada Somalia iyo eriteria talaabooyin wax looga qabanayo.

isla markaana golaha amaanka uu ka fekeraa suurtagalnimada in la sameeyo koox qubaro ah oo qaas ah oo baaris ku soo sameysa ururinta, wararka, daliilaha iyo marqaatiga la xiriira falalka burcad badeednimada. oo markaasi la magac dhabo hogaamiyeyaasha burcad badeedda, kuwa maalgeliya, kuwa wada xaajoodyada u qaabilsan, kuwa howlahooda u fududeeya, shabakadaha taageera iyo kuwa sida qarsoon uga faa'ida falalka burcad badeednimada, Isla markaana qaraarada Qaramada Midoobay ay Mustaqbalka ka soo saareyso Burcad badeedda Somalia ay tixraac uga dhigataa warbixinta kooxda Kormeerka arimaha Somalia iyo Eriteria, oo laamaha amaanka dowliga ah ee somalia, kuwa gobolka iyo beesha caalamkaba ay isweydaarsadaan xogta la xiriira hogaamiyeyaasha burcad badeeda, la cara baabaa ka dib la horgeeyaa cadaaladda. dhinaca kalena isha lagu ahayaa dhaq dhaqaaqyada shirkadaha amaanka dhinaca badda ee gaarka ah ee maraakiita difaaca ee wata hobka ee maraya biyaha Somalia, si loo adkeeyo cuna qabateynta hubka ee saaran somalia.

Waxaa kaloo ay kooxdu ku talisay in si deg deg ah talaabo looga qaado shirkadaha Sterling Corporate
Services, oo la tuhunsanyahay iney tahay Shirkadda Saricen ee heshiiyada kula jirta Maamulka Puntland oo magaca bedelatay, shirikadda Australian African Global Investments, iyo shirkadaha xiriirka la leh, kuwa ka macaasha, kuwa iska leh iyo maamulayaasha sar sare ee shirkadahaasi.
waxaa kooxdu tiri dowladda koonfur Afric, Imaaraadka Carabta, uganda iyo Ethiopia waa iney iyaguna qaadaan talaabo kasta oo laga maarmaan ah oo looga hortago in dekedahooda iyo garoomadooda diyaaradaha loo adeegsado, howlaha lala xiriiriyo milatariga ee Somalia ee xad gudubka ku ah cuna qabateynta hubka ee saaran somalia. hadii xitaa ay noqon laheyd taageero farsamo oo ay ka geystaan, tababaro iyo mid maaliyadeedba. isla markaaba dhaq dhaqaaq kasta oo milatary oo la xiriira, sida geynta qalab Somalia, iyo ciidamo loogu tala galay iney qeyb ka noqdaan howgalka lagu xusay farqada 9aad ee qaraarka qaramada midoobay ee tirsigiigu ahaa 1772, in lagu wargeliyo ka hor inta aan talaabo ceynkaasi la qaadin qaramada midoobay, si cadna loogu gudbiyaa sababo la xiriira wargelin ku saabsan howlgalka.
waxey kooxdu tiri in Golaha amaanka uu kordhiyo mudda sharciyadda howlgalka AMISOM isla markaana lagu daro howlgalka koox la socota cuna qabateyn hubka ee saaran somalia, gaa ahaan ka howlgasha garoomada dekedaha xuduudaha gudaha Somalia.
kooxdu waxaa kaloo ay soo jeedisay talooyin ku saabsanaa gargaarka, qiimeynta qatarta somalia iyo siyaabaha ay u wada shaqeyn karaan hay'adaha qaramada midoobay iyo shaqaalaha madaniga ah ee somalia.
waxaa kaloo kooxdu ay soo jeedisay in TFGdu ay xaqiijiso dhowrista xuquuqda aadanaha, ilaalinta rayidka, dumarka iyo gabdhaha.iyadoo gaar ahaan sameyneysa la socodka iibka dareyska ciidmada booliska iyo kan milatariga.

XS
SM
MD
LG