Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliye Ku Xigeen Cusub oo Loo Magacaabay Ciidanka


Madaxweyne Shariif
Madaxweyne Shariif

Madaxwene Sh Shariif ayaa maanta magacaabay taliye ku xigeen cusub oo ciidanku yeelanayo, kana socda Ahlu sunna wal Jamaaca.

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha DKMG ayuu taliye ku xigeenka Ciidanka Militariga ugu magacaabay G/Sare C/kariin Yuusuf Aadan Dhagabad, kaas oo la sheegay inuu ka soo galay dhanka Ururka Ahlu Sunna


Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa Magacaabista ku sheegay inay qeyb ka tahay hergelinta dib u heshiisiinta dowlada iyo Ahlu-sunna u dhaxeysay isaga oo ku booriyay taliye ku xigeenka inuu guto waajibaadka loo xilsaaray.


Taliye ku xigeenka cusub G/Sare C/kariin Yuusuf Aadan oo hadal gaaban ka jeediyay munaasabaada lagu magacaabay oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ayaa soo dhaweeyay xilka loo dhiibay waxana uu sheegay inuu yahay mid culus marka loo fiiriyo xaalada adag ee uu dalku ku jiro.


Munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ahaa hey’adaha Amniga dowlada oo uu ugu horeyay Wasiiru dowladaha gaa shaandhiga Sheekh Yuusuf Maxed Siyaad Indhacade


Magacaabista taliye ku xigeenka ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xilli gudoomiyaha guud ee culumaa'udiinka Ahlu Sunna, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan uu sheegay inuu fashilmay heshiiskii iyaga iyo DKMG u dhaxeeyay.

XS
SM
MD
LG