Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taariikhda Dacwadda Gen. Samatar


General Cali Samatar
General Cali Samatar

Dacawdadda lagu soo oogay General Samatar ayaa salka ku haysa Dagaalkii waqooyi ee 1988kii, hadaba maxaa sababy dagaalkaasi?, kuma ayuu ahaa General Cali Samatar, su’aalahaasi iyo qodobo kale ayaanu ku eegi doonaa warbixin gaar ah oo aanu arrintaasi ka diyaarinay .

Maxamed Cali Samatar waxaa uu dhashay sanadkii 1931kii waxaa uu ahaa saraakiishii ugu horaysay ee si casri loogu tababaro ciidanka qalabka sida ee Somalia.

Maxamed Cali Samatar waxaa uu heer sare ka gaadhay Miltariga Somalia isaga oo ahaa qofkii ugu sareeyay ee taariikhda milatariga Somalia ee gaadhay darajada Sareeye Guud oo ahyd darjadii ugu sarysay ee ka jirtay Somalia.

Waxaa uu xubin kahaa XHKS waxaana uu ka mid ahaa Golaha Sare ee kacaanka Soomaaliyeed, waxaa uu si aad ah uga dhex muuqday talada dalka sanadihii 70meeyadii ilaa sideetamaadkii, waxaa uu 1980 ilaa 1986 ahaa wasiirka gaashaandhiga, 1dii Febdruary1987 waxaa loo magacaabay in uu noqdo Raisal wasaarihii ugu horeeyay ee ay yeelato dawladii miltariga ee madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, xilkaasi oo uu hayay tan iyo intii ay ka burburtay dawladdii dhexe ee somalia horaantii 1991kii.

General Maxamed Cali Samatar waxaa uu ka mid ahaa saraakiisha laf dhabrta u ahayd ciidanka Somalia ee ka qayb qaadatay dhismihiisa Milatariga.

Siyaasiga Soomaaliyeed ee Cali khaliif Galayd oo ahaa raisal wasaarihii dawldii Carta ee sanadkii 2000 horena mar wasiir ka noqday dawladii kacaanka iskuna soo gaadheen golaha wasiirada

Sida uu sheegayo Cali Khaliif Galaydh General Maxamed Cali Samatar waxaa uu lahaa khibrad dhinaca maamulka ah isaga oo tilmaamay in marka loo eego saraakiishii miltari ee talada la wareegtay uu isagu soo dhawayn jiray dhalinyarada waxbaratay

Dadka faalleeya siyaasadii dawladii Kacaanka miltari waxaa ay xusaan in inqilaabkii miltari ka bacdi uu jiray loolan adag oo u dhexeeyay saraakiishii sare kuwaasi oo mid walba uu ka taamayay in uu qabto xilalka ugu sareeya, Hadaba maxay ahaayeen arrimihii u sahlay Genral Samatar in uu kaalinta labaad ee talada dalka uu galo isaga oo noqday madaxweyne ku xigeen iyo wasiirkii gaashaandhiga Waa kan mar kale Cali khaliif galaydh:-

Shalay ayay ahayd hadaba markii maxkamadda ugu saraysa dalkan maraykanka la horgeeyay dacwad ka dhan ah GeneralSamatar, dacwaddan ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii gudbiyay Cabdicaziiz Maxamed Diiriye oo isagu ku eedayna in dawladii uu madaxwene ku xigeenka ka ahaa General Maxamed Cali Samatar ay dishay Aaabihii walaalkii iyo dad ay qaraabo yihiin intii uu socday dagaalkii ka qaraxay waqooyiga somalia 1988kii

Sanadkii 1988kii ayay ahayd markii ay gobolada waqooyi ee dalka ay isaga horyimaadeen ciidamadii dawladii kacaanka iyo ururka SNM iyaga oo dagaallo aad culus oo keenay barakac dad badan ay ka dilaaceen degaanadaasi..

Dadka dacwadda ku soo oogay Genaral Samatar ayaa ku eedaynaya dawladii kacaanka ee uu madaxda sare ka ahaa in sanadkaasi 88ki iyo sanado ka horeeyayba ay xasuuq iyo gumaad ka gaysteen.

Madaxda ururka SNM ayaa iyagu tilmaamaya in dagaalka waqooyi ka dhacay sababtiisu ay ahayd cadaadis badan oo ka jiray deeganadaasi sida uu faahfaahinayo Maxamed Kaahin oo ka mid ah madaxdii sare ee ururka SNM .

Dagaalka waqooyi galbeed ee sanadkii 1988kii ayaa dadka faaleeya siyaasdda Somalia waxay ku tilmaameen inuu ahaa bilwgii burburkii dawldii dhexe.

Dadka ka soo horjeeda dacwdda lagu soo oogay General Cali Samatar ayaa iyagu u arka in dawladdii dhexe ee markaasi jirtay ay ilaalinaysay jiritaanka dawladda iyo qaranimada Somalia sida ay tilmaamayso Danjire Faadumo Isaaq Biixi oo muddo badan safiir uga ahayd Somalia qaramada midoobey.

Ururada u dooda xuquuda aadamaha qaarkood iyo ururka SNM ayaa ku eedeeyay dawladii kacaanka in ay awood xadhaaf ah u adeegsatay dagaalkii waqooyiga ka dhacay 1988 sida uu qabo Maxamed Kaahin oo ka mid ah madaxdii sare ee ururka SNM.

Dhinaca kale waxaa jira eedaymo iyaguna loo soo jeedinayo SNM iyo taageeryaasha ururkaasi ay gaysteen dambiyo dagaal, Danjire Faadmu Isaaq Biixi oo iyadu danjire uga ahayd Somalia , qaramada midoobay , ayaa ku eedaynaysa ururkii SNM in ay iyaguna dhincooda dambiyo dagaal ka galeen.

SNM ayaa qabta fikir sidaasi ka duwan waxaana faahfaahin ka bixinaya Boobe Yuusuf Ducaale oo ah Qoraa Soomaaliyeed kana tirsanaa ururkii SNM waxaana u qabaa in eedaasi aanay ahayn mid meesha taalla:-

Wakhtgii ay dagaalladu ka dhacaeen waqooyiga ee 1988 waxa maanta laga joogaa 22 sanadood , tan iyo wakhtigaasi dacawdda ku socota Genral Cali Samatar ayaa soo martay marxalado kala duwan , laakin su’aasha muhiimka ee meesha taala ayaa ah, masu’uuliyad intee leeg ayuu ku lahaa General Cali Samatar dagaalladii ka dhacay waqooyi .

Eedda dagaalkaasi ayay dadka qarkii qabaan inaaanay ku koobnayn Cali Samatar oo kaliya, hase ahaatee ay tahay mid ay ku lugleyihiin dhamaan saraakiishi dawldii Kacaanka, waxnaa dadka fikirkaasi qaba ka mid ah Boobe Yuusuf Ducaale oo ah qoraa kana mid ahaa ururkii SNM.

Haddii aynu dhinac kale ka eegno, maxkamadaynta Genral Samatar ayaa ku soo beegmaysa iyada oo ku dhawaad labaatan sano kadib ay Somalia weli dagaalaadi ka socdaan , hadaba saamayn intee leeg ayaa soomaalida dhexdooda ay dacwaddan ku yeelan kartaa , Faysal Rooble waa aqoonyahan soomliyeed oo ku nool dalkan maraykanka qoraallo badanna ka qora arrimaha Somalia .

Maxkamadda dawcdan shalay la horgeeyay ayaa ah maxkamadda ugu saraysa dalkan maraykanka iyada oo dadka dacwadda ku soo oogayna ay dhalsho maraykanka ah haystaan , hadaba sidee u arkayaan dadka maraykanku dacwaddan ka socota dhulkooda midda kale saamayn intee leeg ayay arrintani ku yeelanaysaa siyaasadda maraykanka iyo madaxda ajaanibka ah ee ku sugan wadanka Maraykanka , waakan markale Faysal Rooble oo ka jawaabaya.

General Maxamed Cali Samatar ayaa noqonaya mas’uulkii ugu sareeyay ee dawladii kacaanka ee dacwaddiisa la horkeeno maxkmad shisheeye.

Inkaste oo ay dacaddu socon donto dhowrka bilood ee soo socda ayaa hadana waxaa ay muran badan ka abuurtay bulshada soomaalida dhexdooda, waxaanay u muuqataa in murankaasi mid la mid ahna uu ka jiro laamaaha garsoorka ee maraykanka oo iyagu haattan ku hawllan is waafajinta xaeerar kala durugsan oo ay labada dhinac ee dawcaddu kala xajisnayaan.

Warbixinta iyo barnaamijiyo kale oo la xidhiidha dacwadda Cali Samatar ka dhegeyso qeybta kore ee qoraalkan.

XS
SM
MD
LG