Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taariikhda Ciyaaraha Adduunka


Taariikhda Ciyaaraha Adduunka
Taariikhda Ciyaaraha Adduunka

Xubintan ayaan u hadlaynaa taariikhda Ciyaaraha Adduunka oo bilowday 1930-kii iyo ciyaaryahannadii ugu cad-caddaa.

Barnaamijka ugu horeeyey ee barnaamijyada aan ugu talagalnay ciyaaraha adduunka waxaan ku Falanqeynaynaa Taariikhda Koobka Aduunka oo si Rasmi ah u Bilaabmey sanadkii 1930,kii Xiligaasoo Wadanka Uruguay uu marti geliyey. Ciyaarahaas waxaa Ciyaartii Finalka ee Waqtigaas dhacdey isaga horyimaadeen Dalalka Uruguay iyo Arjantiin waxaana Guushii 4- 2 ay ku raacdey Dalka Uruguay Oo Ciyaarahaas marti gelinayey.

Sidoo kale Xidigaha ku soo can baxey Ciyaaraha Adduunka intii la ciyaarayey waxaana ka mid ah; Ninka Dunidu ay isku raacdey in loogu yeero Boqorka Kubbada Cagta Adduunka Edson Arentes Nascimento oo loo yaqaan Pele oo u dhashey Wadanka Barazil, Xiddiga Kubbada Cagta Diego Armando Maradona oo Arjantiin u dhashey. Paolo Rossi oo talyaaniga U Dhashey. Beckenbauer oo Jarmalka u dhashey iyo Ciyaarahanka loo yaqaan Diiqii Reer Faransiis Michel platini.

Qubanayaasha kale ee barnaamijkaas aan ku soo qaadney waxaa ka mid ahaa is Bar-bardhig aanu ku sameyney Sanadahii 1970-meeyadii iyo 80-meeyadii Ciyaaraha Aduunka waxaana aanu ka wareysaney arintaas Tababarre Ibraahim Maxamed Xirsi oo loo yaqaan Ibraahim Suudaani oo macalin u ahaa Kooxda Kubada Cagta Horseed sanadahii 1976-kii ilaa 1980-kii iyo Xulka Qaranka Somaliya oo uu macalin u ahaa 1977,kii ilaa 1979-kii.

XS
SM
MD
LG