Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taariikhda Agaasimihii Radio Xurmo


Barkhad Cawaale Aadan waxa uu saxaafadda Soomaaliya ku soo biiray dabayaaqadii 70maadkiii.
Barkhad Cawaale Aadan waxa uu saxaafadda Soomaaliya ku soo biiray dabayaaqadii 70maadkiii.

Agaasimihii Radio Xurmo Allaha u naxariistee Barkhad Cawaale Aadan waxaa in badan ku soo dhex jiray saxaafadda Soomaalida.

Allaha u naxariistee Agaasimihii Idaacadda Xurmo ee magaalada Muqdisho Barkhad Cawaale Aadan waxa uu shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa u geeriyooday xabbad kaga dhacday caloosha, xilli uu ku gudo jiray sameynta anteenada Idaacadda.

Waxaa uu saxaafadda ku soo biiray dabayaaqadii 70meeyadii, isagoo markii ugu horreysay wax ku qoray wargeysa afka dowladda ku hadli jiray ee Xiddigta October.

Saddexdii sano ee ugu dambeysay Barkhad Cawaale waxa uu agaasime ka ahaa Idaacadda Maxalliga ah ee Xurmo.

Taariikhdiisa waxaa warbixin inooga diyaarisay Caasho Ibraahim.

XS
SM
MD
LG