Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Syria: 56 Shacab Ah oo Duqeyn Lagu Dilay


Dibadbaxyo xooggan ayaa laga qorsheynayaa dalak Syria, ayada oo hoggaamiyayaasha mucaaradka ay ugu baaqayaan dalalka Reer Galbeedka inay hakiyaan duqeymaha ay dalkaas ka wadaan kadib markii tobaneeyo shacab ah lagu dilay duqeymo dhacay maalintii Talaadada.

Weerar dhinaca cirka ah oo ka dhacay meel u dhow magaalada Daacish ay ku xooggan tahay ee Manbij ayaa lagu dilay 56 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan carruur, sida ay sheegtay kooxda la socota arrimaha xuquuqda aadanaha Syria.

Kooxaha u dhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa maanta u adeegsanaya baraha bulshada inay abaabulaan oo ay dadka dunida oo idil weydiistaan inay isu soo baxaan ayna dareenkooda kusoo wajahaan khasaaraha shacabka Syria.

Mid ka mid ah baraha bulshada Syria ayaa ku baaqay in lagu dibadbaxo “Xasuuqa ay diyaaradaha isbaheysiga ka wadaan Syria”.

Sidoo kale bogag badan oo wararka faafiya oo laga leeyahay dalka Syria ayaa baahiyey qaar ka mid ah sawirradadadka shacabka ah ee la dilay.

XS
SM
MD
LG