Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Syria: 200 qof oo lagu dilay Homs


Syria: 200 qof oo lagu dilay Homs
Syria: 200 qof oo lagu dilay Homs

kooxaha u dhaq dhaqaaqa xuquuqul insaanka ee dalka Suuriya ayaa sheegay in ciidama dowladda Suuriya ay weerar ku qaadeen, magaalada Xooms, iyagoo halkaasi ku dilay in ka badan 200 oo qof.

Kooxda isha ku heysa arimaha xuquuqul insaanka ee Suuriya ayaa sheegtay jimcihii shalay in boqolaal qof oo kale la dhaawacay.

Homs ayaa waxaa ay xudun u aheyd mucaaradad looga soo horjeedo dowladda Madaxweyne Bashaar Al-asad, intii uu socday kacdoonka dalkaasi ka bilowday ku dhawaad 11 bilood ka hor.

Iyadoo ay tirada dhimashada ay kor u sii kaceeyso ayuu golaha amaanka ee qaramada midoobay uu sheegay in sabtida uu u codeeyn doono, qaraar qabya ah oo ku saabsan Suuriya.

Dowladda Ruushka ayaa ku hanjabtay inay codka diidmada qayaxan ku hor istaagi doonto qoraal hore oo qaraarka uu ku qoraa.

Maamulka Madaxweyne Obama ayaa ku cadaadinayay Ruushka inuu taageero nuqulka qaraarka oo la qafiifiyay, kaasoo dhaleeceynaya rabshada uu dhiigga ku daadanayo eek a socda Suuriya

Dhinaca kale , kooxaha u dhaq dhaqaaqa mucaaradka ayaa sheegay in kumanaan kun oo qof ay isugu soo baxeen wadooyinka, magaalooyinka dalkaasi oo dhan ku yaala, si ey u xusaan sanad guuradii 30aad oo ku beegan todobaadkan, xoog ku maquunin dad ay ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Xama.

Hay’adda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa sheegtay in bishii sanadkii 1982dii ciidamo go’doomiyay magaaladaasi oo uu amray, madaxweynihii hore ee dhalay Madaxweyne Bashaar Al-asad, lagu dilay inta u dhaxeeysa 10 kun ilaa iyo 25 kun oo qof.

XS
SM
MD
LG