Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sweden Oo Xadkeeda Kusoo Rogtay Sharci


Dowladda Sweden ayaa dadka kasoo gudbaya xuduudda Denmark weydiin doonta kaarar aqoonsi, si ay uga hortagto qul-qulka muhaajiriinta.

Dadka ka tagaya Denmark una safraya Sweden, ayaa waxaa looga baahnaan doonaan inay tusaan kaararkooda qoonsiga, laga billaabo maanta oo Isniin ah.

Tallaabadan ay qaaday Sweden, ayaa ah isku day la doonayo in lagu joojiyo qulqulka muhaajiriinta aan sharciga haysan, ee dalka Sweden u galaya sababo la xiriira barnaamijkeeda ceyrta.

Tallaabadan cusub ayaa ka dhigan in Sweden ay joojineyso siyaasaddii ay albabaka ugu fureysay muhaajiriinta, kadib markii 160,000 oo muhaajiriin ah ay sanadkii tagay gaareen dalkaas. Dalka Denmark oo deris la ah Sweden, ayaa waxaa sanadkii tagay gaaray kaliya 18,000 oo qof.

Dadka safraya ayaa waxaa looga digay inay fishaan safaf dhaadheer oo sugitaan ah, marka ay kasoo gudbayaan buundada dhinaca xuduudda Denmark ee Oresund, oo ah meesha ugu badan ee muhaajiriinta ay kasoo galaan dalkaas.

Dib usoo cusbooneysiinta maamulka xuduudda Sweden iyo Denmark ayaa waxa uu macaneedhu yahay in dadka isaga kala gudbaya labadan dal, ay qaadan doonaan baasbaooro markii ugu horreysay muddo ka badan 50 sano.

Yurub ayaa waxaa ay wajaheysaa qulqulkii ugu badnaa ee qaxooti, tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

XS
SM
MD
LG