Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Suxufiyiin Lagu Xiray Magaalada Berbera


Somalia
Somalia

Xabsiga Magaalada Berbera waxaa ku xidhan afar ka mid ah suxufiyiinta ka hawl gala warbaahinta magaaladaasi halka afar kalena la sii daayay maalintii shalay.

Suxufiyiintan ayaa xabsiga loo taxaabay shalay iyo maanta kadib markii ay tabiyeen war ku saabsan hadal uu xildhibaan ka mid ah golaha deegaanka Berbera uu ka jeediyay kulan dhex maray golaha deegaanka Berbera iyo Shirkada DP World oo Somaliland ay la gashay heshiis dekeda Berbera ah.

Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa xadhigoodan ku eedeeyay maayarka magaalada Berbera.

Wariyaha VOA ee Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa arrinta ka waraystay gudoomiyaha ururkaas suxufiyiinta Maxamuud Cabdi Jaamac “Xuuto“.

Dhinaca kale, Wariyaha VOA Cabdixakiim Maxamuud Shirwac waxa uu khadka telefoonka ee magaalada Berbera kula xidhiidhay Maayarka Berbera Cabdi Shakuur Maxamuud Cidin oo isaga lagu eedeeyey inuu ka danbeeyey xadhiga suxufiyiintan, waxna ka weydiiyey eedeymaha loo soo jeediyey.

Wareysi: Duqa magaalada Berbera
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:42 0:00

XS
SM
MD
LG