Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiissad Dagaal oo ka Oogan Gacanka Korea


Saraakiisha labada Kuuriya ayaa wada hadallo deg deg ah oo waqti dheer socday shalay ilaa iyo maanta oo Isniin ah ka yeelanaya sidii looga baaqsan lahaa dagaal ka qarxa gacanka Kuuriya.

Wada hadaladan ugu dambeeyay oo bilowday gelinkii dambe ee Axadii shalay ayaa daba socda, wada hadallo muddo 10 sacadood qaatay oo ay labada dhinac lahaayeen Sabtidii la soo dhaafay.

Saraakiishu weli wax faalo ah kama aysan bixin wada xaajoodyadan, inkastoo ay ku gaabsadeen inay yihiin kuwo xasaasi ah.

Saraakiishu ma aysan sheegin in horumar laga sameynayo wada hadaladan iyo in kale iyo waqtiga ay qaadan doonaan midna.

Dhinaca kale, warbaahinta dowladda ee Kuuriyada Koonfureed ayaa tabineysay dhaq dhaqaaq aan caadi ahaan oo ay ciidamada Kuuriyada Waqooyi iyo maraakiibteeda quusta ay sameynayeen.

Xukumadda Pyongyang ayaa ku dhawaad 70% saldhigyadii ay yaaleen ka dhaqaajisay maraakiibteeda quusta.

Wasaaradda difaaca ee Seuol ayaa sheegtay in Maraakiibtaasi hadda aan la ogeyn halka ay ku suganyihiin, waxeyna dhaq dhaqaaqa military ee Pyonyoung ku tilmaantay mid kheyrul caadi ah oo aan noociisa horey loo arag.

XS
SM
MD
LG