Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Spain oo Xirtay 14 Qof oo lala Xiriiriyey Daacish

Spain oo xirtay dad lala xiriirshay Daacish (file Photo)
Spain oo xirtay dad lala xiriirshay Daacish (file Photo)

Saraakiisha dalalka Spain iyo Marocco ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in ay xabsiga u taxaabeen 14 qof oo ay ku eedeeyeen in ay ka tirsan yihiin koox dadka u qorta, si ay ugu biiraan ururka Daacish ee dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Spain ayaa sheegtay in xirtaankan uu ka dhacay San Martin De la Vega oo ku taalla koonfurta magaalada Madrid iyo shan goobood oo ku yaalla waqooyiga Morocco, sida Casablanca, Fez, Nador, Al Hoceima iyo Driouech.

Dowladda Spain ayaa sanadihii ugu dambeeyey xabsiga u taxaabtay tobaneeyo dad ah oo la tuhmayaal ah, oo ay ku jiraan 8 qof oo bishii March lagu xiray dalka Spain.

Dowladda Spain ayaa qeyb ka isbahaysiga uu hoggaaminayso Mareykanku ee duqeynta dhanka cirka ka wada deegaannada ay dagaalyahannada ururka Daacish kaga suganyihiiin dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

Dalalka Spain iyo Morocco ayaa bishii Januaray billaabay hawlgallo ay wadaagayaan oo lagula dagaallamayo ururrada argagixisada iyo sida looga hortagi karto weerarrada ururradaasi ka imaan kara mustaqbalka.​

XS
SM
MD
LG