Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Spain oo 1-0 Kaga Badisay Praguay


Cayaartoyda Praguay qaarkood iyagoo ilmeynaya ayay garoonka kaga baxeen, ciyaartuna waxay ahayd mid si xasiloon ay u qeybsanayeen labada kooxood.

Dalalka Spain iyo Praguay oo caawa wada dheelay ciyaar wanaagsan ayaa waxaa ay ciyaartu ku dhammaatay 1-0 oo Spain ay ku badisay. Ciyaartuna waxay ahayd mid u dhaceysay si xasiloon.

Labada kooxoodba waxay qeybtii hore ee ciyaartu ay kala dhalin waayeen gool. Hase yeeshee qeybtii labaad markii laysugu soo noqday garoonka ayaa daqiiqadii 57aad waxaa rigoore loo dhigay kooxda Praguay, balse way ku guul darreysatay inay gool dhaliso.

Isla daqiiqadii xigtay waxaa iyana rigoore loo dhigay kooxda Spain, si la mid ah ayay ugu fashilmeen. Rigooraha Spain heshay, mar ayay shabaqa ku hubsadeen, balse waa laga dhiiday ka dib markii ay xariijinta soodhaafeen ciyaartooyda kale ee Spain, Markii labaad ee ay kubadda laadeen gool-haya Praguay ayaa ka qabtay.

Daqiiqadii 82aad kooxda Spain waxay la timid gool la oran karo "wuu dhib badnaa" ka dib markii laba jeer ay birta ku dhacday, mar ay soo laabatay iyo mar ay si hal-haleel ah ay shabaqa ku gashay.

Ciyaartuna waxay ku dhimmaatay 1-0 oo Spain ay ku badisay.

Ciyaaraha Semi-Finalka waxaa isugu soo haray dalalka Netherland iyo Uruguay oo isku beegan iyo Spain iyo Germany oo isku aadan.

XS
SM
MD
LG