Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali mar kale lagu qabqabtay Nairobi.


Ciidamada Boliska Kenya ayaa xalay mar kale Nairobi ku qabqabtay Soomaali ay ku jiraan xidlhibaanno baarlamaan

Ciidamada Boliiska Kenya, ayaa xalay mar kale xaafadda Eastleigh ku qab-qabtay Soomaali fara badan oo ay ku jiraan mas'uuliyiin ka tirsan DKMG.

Xubnaha la xiray waxaa ka mid ah Xildhibaannada kala ah Ismaaciil Hure Buubaa, C/weli Sheekh Maxamed iyo xildhibaan Shaacir kuwaasoo haatan lagu hayo saldhig ku yaalla magaalada Nairobi.

Xildhibaan C/weli ayaa VOA-da u sheegay isagoo ku jira xabsiga inaan wax tixgalin ah la siin aqoonsigoodii, oo taasina uu sheegay inay tilmaamayso in sidoo kale la xiri karo madaxda kale ee dowladda mar haddii xildhibaannadii la qab-qabanayo.

Waa habeenkii labaad ee Nairobi lagu raafo Somali. Habeen hore ayaa ilaa 200 oo qof oo Somali oo ay ku jiraan xildhibaanno iyo saraakiil kale la ga soo qabqabtay xaafadaha Eastleigh.

XS
SM
MD
LG