Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali Xeebaha Masar ku Geeriyootay


Qaar ka mid ah ehellada dadka geeriyooday ayaa VOA-da u xaqiijiyey in dadkan ay ka tahriibiyeen xeebta magaalada Alexandria ee dalka Masar, kuna sii socdeen qaaradda Yurub.

Ugu yaraan 7 qof oo Soomaali ayaa ku geeriyooday xeebaha dalka Masar kadib markii ay degtay doonidii ay saarnaayeen, oo ay ku tahriibayeen.

Qaar ka mid ah ehellada dadka geeriyooday ayaa VOA-da u xaqiijiyey in dadkan ay ka tahriibiyeen xeebta magaalada Alexandria ee dalka Masar, kuna sii socdeen qaaradda Yurub.

Dadka geeriyooday, ayaa waxa ay isugu jireen laba dumar ah iyo shan rag ah, waxa ayna kala kala yimaadeen Jabuuti, Muqdisho iyo deegaanada Puntland ee Somalia.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in tirada dadka Soomaalida ah ee geeriyooday ay intaas ka badan tahay. Warbaahinta dalka Masar ayaa shaacisay in guud ahaan tirada dadka ku nafwaayey doonidan qalibmatay ay yihiin 40 qof, balse ay sidoo kale ku jiraan, Ethiopian, Eritrean, Siiriyaan iyo Soomaali.

Ciidamada dalka Masar ayaa sidoo kale mashaqadan kasoo bad-baadiyey dad kor u dhaafaya 100 qof, oo ka mid ahaa kuwii saarnaa doonta gaddoontay.

Weriyaheena Qaahira Xuseen Saxnuuni ayaa warbixintan inoo soo diray.

Warbixinta Xuseen Saxnuuni
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:41 0:00

XS
SM
MD
LG