Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Gudoomiyey Shir ISIS ku Saabsan


Sanad ka dib markii uu hogaamiyeyaasha dunida ugu baaqay in lala yimaaddo talaabooyin waxtar leh oo ururka ISIS lagaga adkaaso ayaa madaxweynaha Maraykanka Barack Obama uu mar labaad Talaadadii shalay ka hadlay QM. Obama ayaa ka warbixiyey wixii qabsoomay, isla markaana sheegay in dagaalka ISIS lagula jiraa uuna fududeyn, dhakhsana uuna dhamaaneynin.

Shirkan oo uu shir guddoomiyey Mr. Obama ayaa madaxweynuhu uu sheegay in tiro ka badan 100 dal iyo hay’ado caalami ah ay ka soo jawaabeen inay xubin ka noqdaan dhaqdhaqaaqa dunida ee lagu burburinayo kooxdan xagjirka ah.

Mr. Obama ayaa shaaciyey in dalalka Nigeria, Tunisia, iyo Malaysia ay ka mid noqdeen dalalka ka badan 60-ka ee ururka ISIS kula dagaalamaya dalalka Ciraaq iyo Suuriya. Waxa uu sheegay in ololahani uu noqon doono mid dheer oo guul iyo guul-darraba lagala kulmo.

XS
SM
MD
LG