Isku xirrada

War

Soomaaliya oo Sheegatay Jasiiradda Suqadhra


Soomaaliya oo Sheegatay Jasiiradda Suqadhra

Soomaaliya oo Sheegatay Jasiiradda Suqadhra

Jasiiradda Suqadhra waxaa gacanta ku haysa dowladda Yemen, waxaana degan dad Yemeniyiin ah.

Dowladda Yemen ayaa sheegtay inay walaac ka qabto sheegashada Soomaaliya ee jasiiradda Suqadhra ee ku taalla Badweynta India.

Yemen ayaa sheegtay in dhowaan xukuumadda Soomaaliya ay Qaramada Midoobay u gudbisay dacwad ay ku sheeganeyso lahaanshaha jasiiraddaasi, iyana ay sidoo kale gudbisay dacwad kale ooay arrintaasi kaga hortegayso.

Dowladda Yemen ayaa sheegtay in jasiiraddaasi Suqadhra lahaansheheeda aan la gelin karin wax gorgortan ah, iyadoo ku dooday in dadka ku nool ay yihiin kuwo ku hadla luuqadda Yemen ayna dhalasho ahaanna yihiin Yemeniyiin.

Murankan ayaa mugdi gelin kara xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen.

XS
SM
MD
LG