Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo Dib u Heshay safaaradda Kenya


Soomaaliya oo Dib u Heshay safaaradda Kenya
Soomaaliya oo Dib u Heshay safaaradda Kenya

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa maanta u xukmisay dowladda Somalia lahaanshaha dhismaha safaaradda Somalia ay ku leedahay Nairobi.

Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa maanta ridday xukun ku aadan cidda iska leh dhulka safaaraddii Soomaalia ee Kenya. Maxkamaddu waxay xukuntay inay sharcidarro ahayd iibka dhismihii safaaraddii Soomaaliya ee dalka Kenya oo sanadkii 1994-kii laga iibiyay ganacsade Hindi ah oo lagu magacaabo Suleyman Rahemtulla Cumar.

Safiirkii hore ee Safaaradda Soomaaliya ee Kneya Axmed Sheekh Maxamuud ayaa isagu ka daneeyay iibinta dhismaha safaaradda lamana oga sababaha ku kalifay iibintaasi, balse wixii ka danbeeyay markii la iibsaday guriga safaaradda, waxaa socotay kiis dacwad ah oo lagu doonayay in gurigaasi dib loogu soo celiyo gacanta Soomaalida.

Go'aankan ay maxkamaddu gaadhay ayaa noqonaya mid guul u ah dowladda Somalia. Dadweyne fara badan oo Soomaali ah oo ay ku jiraan dimlomaasiyiin ayaa maanta isla markii ay maxkamaddu go'aanka riday waxay tageen guriga, waxaana halkaasi laga sudhay calanka Soomaaliya. Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxmed Cali America ayaa VOA u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay go'aanka ay maanta maxkamadda sare xukmisay.

XS
SM
MD
LG