Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia Dan ma u Tahay Ciidamo Dheeraad ah?


Somalia Dan ma u Tahay Ciidamo Dheeraad ah?
Somalia Dan ma u Tahay Ciidamo Dheeraad ah?

Uganda waxay sheegtay in ciidamo dheeraad ay u diri doonto Soomaaliya haddii Maraykanku uu lacag ku bixinayo.

Dhowaan dowladda Uganda waxay sheegtay inay ciidamo dheeraad ah u direyso dalka Soomaaliya si ay ugu biiraan hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Uganda waxay kaloo sheegtay in ay diyaar u tahay inay keligeed u dirto Soomaaliya 10,000 oo askari, haddii dowladda Maraykanku ay bixineyso dhaqaale.

Hase yeeshee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkan Maraykanka oo arrintaasi jawaab ka bixisay ayaa waxay sheegtay inay sii wadeyso taageerada dhanka qalabka, tababarka iyo saadka.

Khabiir arrimaha Geeska Afrika wax ka qorta ayaa sheegtay in ay u muuqato kooxda al-shabaab mid isku duuban, hadafkooduna uu yahay inay afgembiyaan dowladda KMG ah.

Khbaiirkaasi oo lagu magacaabo Bronwyn Bruton ayaa sheegtay in cabsida inta badan laga sheego al-Shabaab ee ah in laga yaabo inay noqoto Talibanka cusub ee Geeska Afrika inay tahay wax la buun buuniyay.

Balse waxay sheegtay in ay mudan tahay in laysweydiiyo haddii aanay jiri lahayn dowladda KMG ah, in kooxda al-Shabaab ay lahaan lahayd aragti waddaniyadeed oo ay ugu duusho dalalka dibadda.

XS
SM
MD
LG