Isku xirrada

War

Soomaalida Maraykanka iyo Sugidda Ammaanka


Cabdirizaaq Faarax, la taliyaha wasaaradda ammaanka qaranka ee Maraykanka.

Cabdirizaaq Faarax, la taliyaha wasaaradda ammaanka qaranka ee Maraykanka.

Jaaliyadda Soomaalida ee Maraykanka ayaa fursad u helay in la xiriiraan xafiiska amaanka qaranka oo loo magacaabay qof Soomaali ah.

Wasaaradda amaanka qaranka ee dalkan Maraykanka ayaa waxaa xafiiskeeda u qaabilsan Xuquuqda rayidka ah loo magacaabay Cabdirizaaq Faarax oo ah la taliyaha dhinacaya siyaasadda ee xafiiskaasi.

Tallaabadan ayaa fursad u siinaysa jaaliyadda Soomaalida ah ee ku nool Maraykanka in ay si fiican u fahmaan xuquuqda ay leeyihiin, iyaga oo cabasho u gudbin kara wasaaradda ammaanka qaranka haddii ay dhacdo in ay dareemaan in saraakiisha ammaanku ay ku xadgudbeen xuquuqdooda rayidka ah.

La taliyaha dhinaca siyaasadda ee xafiiska xuquuqda madaniga ah ee wasaaradda amaanka qaranka ee maraykanka Cabdirizaaq Faarax ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay laanta af soomaaliga ee VOA waxa uu ku sheegay in uu socdo dadaal lagu doonayo sidii ay si habsami ah u wada shaqayn lahaayeen hay'adaha ammaanka ee Maraykanka iyo jaaliyadda Soomaaliyeed.

Waraysiga oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG