Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cudurka Daacuunka Oo Ka Dillaacay Dhadhaab


Cudurka Daacuunka ayaa soo ritay 540 qof, islamarkaana toddoba qof ku dilay xerada qaooxtiga Dhadhaab ee Kenya toddobaadyadii tagay, sida ay sheegtay hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF.

Cudurka Daacuunka ayaa soo ritay 540 qof, islamarkaana toddoba qof ku dilay xerada qaooxtiga Dhadhaab ee Kenya toddobaadyadii tagay, sida ay sheegtay hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF.

MSF waxa ay ka digtay in xaaladda ay sii xumaan karto toddobaadyada soo socda, sababo la xiriira roobabka xooggan ee da’aya.

Charles Gaudry, oo ah madaxa hay’adda MSF ee Kenya ayaa sheegay in mar kasta oo roob xooggan uu da’o ay arkaan in cudurka uu dad badan soo ridanayo.

MSF ayaa iminka xarun lagula tacaalo cudurka ka sameysay xerada Dhadhaab oo hooy u ah qiyaastii 350,000 oo qaxooti badankood Soomaali iyo Koonfur Suudaanees ah.

Sida ay sheegeyso MSF, dadka qaxootiga ah ayaa waxaa ku adag inay nadaafadda ku dadaalaan, sababo la xiriira musqulaha oo ku yar iyo biyaha oo gaabis ah.

In ka badan 8,000 oo qof ayaa cudurka Daacuunka looga daweeyey dalka Kenya, tan iyo bishii December ee sanaddii 2014-kii.

XS
SM
MD
LG