Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaalida iyo Xabsiyada Maraykanka Q-1aad


Soomaalida iyo Xabsiyada Maraykanka Q-1aad
Soomaalida iyo Xabsiyada Maraykanka Q-1aad

Laanta af Soomaaliga ee VOA, ayaa Barnaamij gaar ah oo taxane ah ku eegaysa xaaladda Soomaalida ku jirta xabsiyada Maraykanka.

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku nool Maraykanka ayaa ku jira xabsiyo ku yaalla Gobollo kala duwan oo dalka Maraykanka ah.

Laanta af Soomaaliga ee VOA, ayaa Barnaamijkan gaarka ah ku eegaysa xaaladda dhalinyaradaasi, iyo sababaha keenay in ay xabsiyada galaan.

Sidoo kale barnaamijku waxaa uu ka hadli doonaa mustaqbalka dhalinyaradaasi marka ay xabsiyada ka soo baxaan.

Waalidiinta qaar ka mid ah dhalinyaradaasi ayaa ka hadlaya dhibaatada ay kala kulmeen xariga caruurtooda.

Qaar ka mid ah dhalinyaro Soomaaliyeed oo soo dhamaystay mudaddii lagu xukumay ayaa iyaguna ka warramaya waayo-aragnimadii ay kala kulmeen nolosha xabsiga.

Qaybta koowaad ee Barnaamijkan oo ay soo diyaarisay Idil Cabdi Cismaan ka dhegayso dhinaca hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG