Isku xirrada

War

Soomaalida iyo Waxbarashada Naafada


Soomaalida iyo Waxbarashada Naafada

Soomaalida iyo Waxbarashada Naafada

Idaacadda VOA ayaa barnaamijyo taxane ah ka diyaarisay Soomaalida iyo waxbarashada dadka naafada ah.

Barnaamijyadan oo si is daba joog ah uga bixi doonaa laanta af Soomaaliga ee VOA, waxaa lagu gorfayn doonaa waayaha iyo siyaabaha ay wax u bartaan dadka naafada ah ee ku nool dhulka ay Soomaalidu degto.

Barnaamijka ayaad ku maqli doontaan duurufaha ay wax ku barteen dad Soomaaliyeed oo ka guulaystay baahidii gaarka ahayd ee ay qabeen.

Sidoo kale waxaad maqli doontaan siyaasadaha ay maamulada kala duwan ee ka jira dhulka ay Soomaalidu degto ay ugu talagaleen dadka baahida gaarka ah qabaa.

Dhinaca hoose ee boggan ka dhegayso Qaybtii ugu horaysay barnaamijkan taxanaha ah.

XS
SM
MD
LG