Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaalida dagan gobolka Wales, UK


Somalida dagan Cardif
Somalida dagan Cardif

Gobolka Wales, waxaa dagan Soomaali gaadhaysa 10 kun, waxayna gobolkaasi tageen sanaddadii 1850-meeyadii.

Gobolka Wales oo ka tirsan afarta qaybood ee uu ka kooban yahay dalkan Britain ayaa ah gobol ay Soomaalidu taariikh aad u dheer ku leeyahiin, waxaana halkaasi ku yaalla masaajidkii ugu horeeyay ee laga dhiso wadanka Britain oo la furay sanadkii 1860-kii kaasoo ay sameeyeen Soomaalidii iyo Yemeniyiintii badmaaxiinta ahaan jiray.

Soomaalida ayaa ah dadkii ugu horeeyay ee madow ah ee soo dago gobolkaasi.

Iid Cali Salaan oo ah gudoomiye ku xigeenka hay'adda qaxootiga ee gobolka Wales, muddo dheerna gobolkaasi daganaaa ayaa VOA-da u sheegay in Soomaalidii ugu horeysay ay gobolkaasi yimaadeen 1850-meeyadii.

Soomaalida haatan ku nool gobolka Wales ayaa tiradoodu gaadhaysaa ilaa 10 kun oo qof,

Warbixin ka hadlaysa Somalida dagan gobolka Wales, qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG