Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sarkaal Lagu Dilay Muqdisho


Sawir hore
Sawir hore

Dableyda ayaa marxuun Ciise Xuseen Bayle ku toogtay meel u dhow hoygiisa oo ku taalla xafadda Siligga Ameerikaanka oo ka tirsan degmada Wadajir.

Goob-Joogayaal ayaa VOA u xaqiijiyey in raggii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.

Toddobaad ka hor ayey ahayd markii dabley gaari wadatay ay isla degmada Wadajir ku toogteen labo qof, iyadoo illaa hadda aysan jirin cid loo soo qabtay weerarkaasi.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi.

XS
SM
MD
LG