Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yemen: Soomaali Rabshaddaha lagu Eedeeyay


Yemen: Soomaali Rabshaddaha lagu Eedeeyay
Yemen: Soomaali Rabshaddaha lagu Eedeeyay

Warbaahinta Yemen ayaa tabisay in dad Soomaali ah ay ku lug leeyihiin rabshaddaha ka socda dalka Yemen.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegtay in 3 qof oo Soomaali ah la qabtay kuwaasoo ka qeybgalay bannaanbaxyada rabshaddaha wata, dadkan ayay warbaahintu kusheegtay inay qirteen in lacag la soo siiyay si ay bannaabaxyada uga qeybgalaan.

Dhinaca kalena, kooxda mucaaradka ayaa sheegtay inay qabteen Soomaali dhinaca dowladda la safan oo haatan ay baadhitaan ku samaynayaan.

Qunsulka Soomaalida ee Yemen Xuseen Xaaji Axmed ayaa beeniyay eedahaasi, isagoo sheegay inay jiraan dad ay dhici karto inay u egyihiin Soomaali oo taasina loo qaadan karo inay Soomaali yihiin.

XS
SM
MD
LG