Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali Qirtay Burcad-badeednimo


Nin Soomaali ah ayaa maxkamad ku taalla dalka Maraykanka ka hor qirtay burcad-badeednimo

Jaamac Iidle Ibraahin oo ka mid ahaa lix qof oo soomaali ah oo bishii April weerar ku qaaday marakabka USS Ashland ee ay leeyihiin ciiidanka maraykanka, iyaga oo u haystay inuu yahay markab ganacsi, ayaa sida lagu eedaynayo rasaas ku furay marakbaka si ay u afduubtaan madax furashana uga qaataan.

Jaamac ayaa ka hor qirtay maxkamad ku taalla gobolka Virginia in uu qorshaynayay in uu dhaco marakabka , isaga oo maxkamadda u sheegay in uu arrintaasi hub u adeegsaday.

Qareenada u doodaya ninkan soomaaliga ah iyo xeer ilaalinta dacwadda ku soo oogtay ayaa isla gartay in 30 sanno oo xadhig ah uu yahay xukunka suurgalka ah in uu mutaysto.

Xeer ilaalilahaya dacwaddan soo oogay ayaa sheegay in eedayntan ay tahay tii ugu horaysay oo la xiriirta burcad-badeednimo ee maxkamadda Norfolk ee Virginia ay muddo 150 sandood ah soo oogto.

XS
SM
MD
LG